Shariif Xasan oo odayaasha Koofur-galbeed kala hadlay xulista Xildhibaanada
Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa kulamo la yeeshey odayaasha dhaqanka ee Koonfur-galbeed, isagoo uga war-bixiyay safarkiisii dabadeed iyo sidii loo dardar-gelin lahaa dhameystirka howlaha kala duwan ee horyaalla maamulka Koonfur-galbeed.
Shariif Xasan ayaa odayaasha ka codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo xulaan xildhibaannada maamulka Koonfur-galbeed, iyadoo howshaan loo xil-saaray guddi ka tirsan odayaasha dhaqanka.
Kulanka ayaa waxay kaloo uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaaa ama loo dardar-gelin lahaa xasilinta amniga gobollada iyo deegaanada uu maamulka Koonfur-galbeed ka taliyo.
Dhanka kale, ciidamada amniga ayaa Baydhabo kawada howlgallo lagu sugaayo amaanka guud ee magaalada, iyadoo toddobaadyadii aynu soo dhaafnay la qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhallinyaro, kuwaasoo loogu shakiyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Ugu dambeyn, isgoysyada Baydhabo ayaa waxaa jooga ciidamada booliiska gobalka Bay ka tirsan, kuwaasoo baaraya gaadiidka, waxayna ciddii ay ka shakiyaan ay u ka xeynayaan saldhigga booliska si baaris loogu sameeyo.
Hiiraan Online, Baydhabo