4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 27, 2015
Qarax ay Dad ku Geeriyoodeen oo Goor-dhow ka dhacay Isgoyska Cali Kamiin

Jimco, Feberaayo 27, 2015 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay qarax goor-dhow ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo qaraxan lala beegsaday gaari kuwa raaxda ah.

Labada ruux ee geeriyooday ayaa la sheegay inay wateen gaariga uu qaraxu haleelay, sida ay dad goobjoogayaal ah oo goobta uu qaraxu ka dhacay ku sugnaa u sheegeen Shabakada Hiiraan Online (HOL).

Qaraxa ayaa markii uu dhacay ayaa la sheegay in gaariga uu dab xoog leh qabsaday iyadoo labadii ruux ee dhallinyarada ahaa ee saarnaana ay gudaha gaariga ku gubteen.

“Waxaan u maleynaynaa in qaraxa uu ahaa mid gaariga ku xirnaa, daqiiqado ka hor waxaa goobtan maray gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM, wax ka dhacayna ma jirin,” ayuu yiri ruux ku sugnaa halka uu qaraxani ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxan ayaa imaanaya xilli shalay madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo aysan jirin cid loosoo qabtay duqeyntaas oo ay sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya