4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
FBI-da Mareykanka oo Qabatay rag Doonayay inay ku biiraan Kooxda Daacish


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Ciidamada sirta gudaha Mareykanka ee FBI-da ayaa xiray saddex ruux oo ajaanib ah oo ku nool Brooklyn, kuwaa oo ay sheegeen inay doonayeen inay ku biiraan kooxda Daacish.

Hay’adda FBI-da ayaa sheegtay in labo ka mid ah raggaasi ay ku hanjabeen inay dilayaan xubno ka tirsan booliiska iyo FBI-da Mareykanka haddii ay u suuro-gali weydo inay u safraan dalka Suuriya.

Raggan ayaa laga shakiyay kaddib markii bilo ka hor ay qoraal ku daabaceen bog Internet-ka ah, iyagoo adeegsanayo luuqadda usbeegga ee looga hadlo dalka Uzbekistan.

Sidoo kale, FBI-du waxay sheegtay in boggaas ayay raggan ku daabaceen warar sheegayay inay dilayaan madaxweynaha mareykanka Barack Obama.

Ugu dambeyn, saddexdan qof ayay dhalashadoodu kala tahay, laba kasoo jeeda dalka Uzbekistan mid kasoo jeeda dalka Kazakhstan, iyadoo eedda loo haysta ay tahay inay doonayeen inay taageero siiyaan Daacish.

Boqolaal dhallinyaro ah oo intooda badan kasoo jeeda dalal ku yaalla caalamka balse haysta dhalashada dalkaas ayaa la rumeysan yahay inay ku biireen Daacish dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya