4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
Khilaafkii u dhexeeyay Xukuumada Mareykanka iyo Israa’iil oo sii Xoogeystay


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Muranka u dhexeeya Barack Obama iyo Benjamin Netanyahu ayaa sii xoogaystay, iyadoo ra’iisul wasaaraha Israa’iil uu ku eedeynaya dalka Mareykanka iyo awoodaha kale ee dunida inay ka tanaasulayaan dadaallada lagu joojinayo in Iiraan ay sameysato hubka Niyuukleerka.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa khudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa ku sheegay inay tahay mas’uuliyad isaga saaran inuu ka hor-tago wuxuu ugu yeeray halis aad u weyn oo ka imaanaysa barnaamijka hubka niyuukleerka ee dalka Iiraan.

Sidoo kale, xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka, John Kerry oo ka hadlayay Washington ayaa isna ku adkaystay in ammaanka Israa’iil uu haatan sugan yahay sababo la xiriira wadahadallada caalamiga ah ee lala galay xukumadda Tehraan.

Xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ayaa waxaa xumeeyay qorshaha Netanyahu uu ku doonayo inuu kula hadlo Congress-ka Mareykanka toddobaadka soo socda, kaddib markii uu casumaad ka helay xubanaha xisbiga Jamhuuriga.

Israa’iil ayaa waxay cabsi weyn ka qabtaan colaad kaga timaadda dalka Iiraan oo ka mid ah dalalka Muslimka ah ee sida weyn uga soo horjeeda falalka ay Yuhuuddu ka geysanayaan bariga dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya