4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
Wadahadalladii u Socday Sowladda Somalia iyo Somaliland oo dib loo Dhigay


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Waxaa dib loo dhigay wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo la filyay inay maanta ka furmaan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Illaa iyo hadda lama sheegin sababaha dib loogu dhigay wadahadalladaan oo horay loogu ballansanaa inay maanta oo Khamiis ah dib u billowdaan, iyadoo dhanka dowladda Somalia aanu jirin wax hadal ah oo weli kasoo baxay.

Balse, Somaliland ayaa sheegtay in wadahadalladu ay furmayaan bisha soo socda kowdeeda oo ku beegan maalinta Axadda ah ee nagu soo fool leh, iyadoo wadahadalladan ay dib u dhaceen dhowr jeer oo isku xigta.

Madaxweynaha Somalia iyo kan Somaliland ayaa kulan ay dhammaadkii 2014-kii ku yeesheen dalka Jabuuti waxay iskula garteen in dib loo billaabo wadahadalladii uga socday Turkiga, wixii ay isku qabtaann ay u kaashadaan dalal ay ka mid tahay Jabuuti.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u dhexeeya ayaa ahaa kuwu ay dabada ka riixaysay dowladda Turkiga, si ay isugu soo dhaweyso labada dhinac oo fikrado kala duwan kala aamisn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya