4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 26, 2015
Somalia oo Heshiis la Saxiixatay Bangiga Horumarinta Afrika iyo Ururka IGAD


Khamiis, Feberaayo 26, 2015 (HOL) — Wasiirka maaliyadda Soomaliya, Maxamed Aadan Ibraahim ayaa heshiis saddex geesood ah kula saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya - Bangiga Horumarinta Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, kaasoo qayb ka ah dadaalada lagu doonayo in lagula tacaalo abaaraha kusoo noq-noqda gobolka.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in heshiiskan uu ka dhigan yahay in la dhiso bulshooyin la tacaali kara nolashooda xiliga ay soo wajahaan abaaraha.

“Inkasta oo aanan awoodi karin inaan ka hortagno abaaruhu marka ay dhacaan, hadana waxaan xaqiijinaynaa annagoo fulinayna barnaamijka nolol abuurka iyo u adkaysiga abaaraha inaan dadka ka caawino dhibaatoyinka  abaaruhu sababaan. Heshiiskan waxaa uu soconayaa shan sano; wuxuuna dhamaanayaa sannadka 2020-ka. Waxaana iska kaashanaya dowladda FS, Banagiga Horumarinta Afrika iyo IGAD. Barnaamijkan ujeedkiisu waa in la hubiyo in bulshooyinka u jilicsan abaaruhu ay yeeshaan hab-nooleed la jaan-qaadi kara noloshooda caadiga ah,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Somalia.

Barnaamijkan oo ay Soomaaliya ka qaybgalayso waxaa loo wajahaya sidan hoos ku qoran:

1. In la horumariyo sidii dadka iyo xooluhu u heli lahaayeen biyo iyo ilaalinta  deegaanka lana qaado talaabooyin looga hortagayo xaalufka.

2. In la hormariyo wax soo saarka xoolaha iyo caafimaadkooda lana helo meelo lagu xanaaneeyo inta aan la suuq gayn.

3. In la hormariyo fursadaha haweenka marka loo eego dhanka maamulka biyaha, loona abuuro suuqyo kor loogu qaadayo dakhliga soo gala

4. In la tayeeyo dadka loona samaayo hay’ado kor loogu qaadayo wax soo saarka beeraha iyo xoola dhaqatada.

Ugu dambeyn, barnaamijkan waa mid kor loogu qaadayo nolosha dadka ku nool dhulka miyiga ah, meelaha ugu badan oo dhibaatooyinka abaaruhu ku soo noq noqdaan oo barnaamijkaan looga fa’idaysanayo ayaa ah dhulka roobabku ku yaryihiin oo dad lagu qiyaasay 800,000 oo qof iyo xoolo dhan 4,000,000 neef ay u jilicsan yihiin abaaraha soo noq noqda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya