4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
PROF Siciid Samatar oo ku Dhintay Gobolka New Jarsey ee Dalka Mareykanka


Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Prof. Siciid Samatar oo ahaa aqoon-yahan hodan ku ahaa qoraalka gabayada Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Talaadadii shalay magaalada Newark ee Gobolka New Jersey, waxaana da’diisu ahayd 72-sano, sida ay qaraabadiisu u sheegeen HOL maanta oo Arbaco ah.  

Prof. Samatar ayaa ku dhashay gobolka ay Soomaalidu degto ee Itoobiya sannadkii 1943-kii, isagoo sannadihii ugu horreeyay ee noloshiisa qoyskiisa oo reer guuraa ah la noolaa. Isagoo waxbarashadiisii kooowaad ka qaatay iskuulka Naasareyd ee dalka Itoobiya; isagoo sannadkii 1970-kii dhinaca Soomaaliya u soo wareegay, isagoo shaqo ka billaabay machad tababar oo ay lahayd dowladdii Somalia.

Dhimashadiisa ayaa lagu tilmaamay khasaare weyn oo Soomaaliya kasoo gaaray dhinaca gabayo ururinta, wuxuuna ka mid noqonayaa halyeeyo ka horeeyay oo Soomaaliya ka geeriyooday.

Sidoo kale, marxuumka ayaa dalka Mareykanka ku tagay deeq waxbarasho  oo uu helay, wuxuuna waxbarasho ka billlaabay macahad lagu magacabo Goshen, isagoo ka qalin-jabiyay sannadkii 1973-kii, isagoo ka bartay cilmiga taariikhda iyo suugaanta, wuxuuna raaciyay diyaarinta shahaada Master-ka oo ahayd taariikhda Afrika.

Prof. Siciid Samatar wuxuu sannadkii 1979-kii shahaadada Doctorate-ka ee daraasaadka Afrika wuxuu ka qaatay Jaamacadda Northwestern oo ku taalla magaalada Evanston, gobolka  Illinois ee dalka Mareykanka.

Jaamacaddii ugu horreysay ee uu bare ka noqdo Prof. Samatar ayaa ahayd jaamacadda Eastern Kentucky oo ku taalla magaalada Richmond ee gobolka Kentucky, halkaasoo uu macallin ka ahaa intii u dhexeysay 1979-kii – 1981-kii. isagoo bishii July 1981-kii u wareegay jaamacadda Rutgers ee Newark, New Jersey, halkaasoo tan iyo xilligaas uu ka shaqeynayay, iyadoo gabar uu dhalay oo lagu magacaabo Safiyo Samatar ay ka qaadatay jaamacaddaas abaal-marin.

Ugu dambeyn, Prof. Samatar ayaa waxaa loo arkaa ruux muhiimad weyn u ah suugaanta Somalia, iyadoo lagu tilmaami jiray ruux aad ugu wanaagsan dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya