4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 25, 2015
Taliyihii hore ee ciidanka UPDF ee qaybta ka ah AMISOM oo Xukun lagu riday


Arbaco, Feberaayo 25, 2015 (HOL) — Taliyihii hore ee ciidamada dalka Uganda ee qahbta ah ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Benson Olanya ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inuu lunsaday shidaal oogu talo-galay in lagu wado howlgalka AMISOM.

Olanya ayaa xabsigiisa ku qaadan doona xero ciidan oo ku taalla xaafad lagu magacaabo Makindye oo ku taalla duleedka magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Guddoomiyaha maxkamadda xukunka ridday, Maj. Jen. Levy Karuhanga oo ka hadlayay xukunka ayaa sheegay in go’aanka ayaa yimid kaddib markii uu Col. Benson uu qirtay dambiga lagu soo eedeeyay.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in dambiyada noocan oo kale ah ay ku yihiin ciidamadooda ka howlgala Somalia muuqaal aad u fool xun, ayna u qaateen go’aanka inay hagaajiyaan sawirka ciidamadooda Somalia ka howl-galaya.

“Haddii aadan ku qanacsanayn xukunkan lixda bilood ah ee maxkamaddu kugu ridday waxad ka qaadan kartaa rafcaan, xilliga rafcaanka la ogol yahayna waa laba toddobaad,” ayuu yiri Karuhanga kaddib markii xukunka la riday.

Col. Olanya ayaa lagu helay lunsashada 720 liitar oo shidaal ah, intii uu ka ahaa madaxda ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan, iyadoo intaa lagu daray in lunsiga shidaalkan uu dhacay bilihii Juun iyo July ee sannadkii 2013-kii.

Shidaalka ayaa loogu talo-galay inay ku howlgalaan ciidamada dalka Uganda ee ka midka ah kuwa AMISOM ee Soomaaliya jooga, iyadoo shidaalka laga iibiyay ganacsato Somali ah, waxaana sarkaalkan dambiga kula jira sarkaal kale oo lagu magacaabo, Col. Hassan Kimbowa oo isaguna wajihi doona xukun noocan oo kale ah.

Qareenka u doodaya Col. Olanya oo lagu magacaabo, Ronald Iduli ayaa mar uu hadlay weydiistay maxkamadda in sarkaalka xukunka laga dabciyo isagoo sabab uga dhigay inuusan shidaalkaas wax faa’iido ah ka sameyn.

Balse, Jen. Karuhanga oo ah garsooraha maxkamadda ayaa sheegay inaysan xukunkan waxba ka dhimahyn, uuna Col. Olanya uu xukunka lagu riday sida uu yahay u dhameysan doono.

Dhanka kale, toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa maxkamaddu waxay xukun ku ridday Maj. Alex Kirabo oo ah taliyihii hore ee ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya kaddib markii lagu helay inuu isaguna shidaal lunsaday.

Si kastaba ha ahaatee, sida uu dhigayo sharciga ciidamada Uganda, askarigi lagu helo dambiyada waxay mudanayaan laba sano oo xabsi ah iyo in laga saaro ciidamada oo aan la siin wax gunno iyo mushaar ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya