4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Qarax khasaare geystay oo Maqribnimadii caawa ka dhacay Degmada Hodan

Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qarax xooggan oo goor-dhow ka dhacay agagaarka masjidka Ramadaan ee xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in lagu xiray gaari kuwa raaxada ah, kaasoo uu la socday mid ka mid ah injineerrada dhismaha ee ka howlgala Muqdisho, iyadoo aysan wax khasaare ah oo kasoo gaaray Injineerka.

Ruuxa ku geeriyooday qaraxa ayaa ahaa darawalkii gaarigaas waday, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda cidda gaariga ku xirtay qaraxa, waxaan kaloo iyana la ogeyn sababta loo beegsanayay Injineerka.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda uu qaraxu ka dhacay ayaa HOL u sheegay in qaraxu uu burbur xooggan gaarsiiyay gaariga, uuna ahaa mid xooggan oo uu ku dhintay darawalkii gaariga.

Qaraxan lagu xiray gaariga ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo toddobaadkii hore qaraxyo is-miidaamin ah oo khasaare badan geystay lala beegsaday Hoteelka Central ee Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen mas’uuliyiin kuwo kalena ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan khasaaraha geystay, wuxuuna imaanayaa xilli ciidammada amniga dowladda ay baaritaanno amniga lagu sugayo ka wadaan waddooyinka Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya