4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Howlgalka Tababarka Ciidanka Somalia ee Midowga Yurub oo laga dayrinayo


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Haddii aan ciidamada Soomaaliya loo helin qalab iyo xeryo howlgalka tababbarka ciidamada Midowga Yurub ee Soomaaliya way ku adkaan doontaa inay gaaraan ujeeddooyinka mudada fog, sidaa waxaa yiri taliyaha howlgalka lagu tababarayo ciidamada Soomaaliya, Jen. Massimo Mingiardi.

Jen. Masimmo ayaa intaas ku daray in tababarayaasha xitaa aysan haysan dharka saxda ah. Isagoo xusay in haddii aan la helin agab ku filan howlgalka aysan suuro-gal noqon karin in la gaaro halka ay higsanayaan.

"Waan ku faraxsanahay horumarka howlgalka laga sameeyay, balse ma ahan mid hadafkii laga lahaa laga gaari karo," ayuu Jen. Massimo Brussels ugu sheegay 20-kii bishan.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu hadalkiisa ku daray. "Waa mid aad u wanaagsan in la yiraahdo waa la xallin karaa dhibaatooyinka Soomaaliya… waxaanse ku talinayaa in beesha caalamku ay fuliso ballanqaayadii ay sameeyeen, haddii kale waxaa dhacaya qaldaad la mid ah kuwii horay uga dhacay dalalka Afrika iyo Bariga Dhexe."

Jen. Mingiardi ayaa xilka loo magacaabay sannadkii hore, iyadoo sidoo kale howlgalkan oo horay uga socday dalka Uganda laga soo wareejiyay, iyadoo loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Howlgalka tababarka ciidamada Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa waxaa la billaabay Abriil 2010-kii, iyadoo howlgalku uu socon dooni illaa December 2016-ka.

Ciidamada tababarkan bixinaya ayaa ah 150-askari oo ka socda 11-dal oo ka tirsan dalalka Yurub, kuwaasoo kala ah; Finland, France, Germany, Hungary, Italy, Netherlands, Portugal , Romania, Spain, Sweden, Britain iyo Serbia.

Dhanka kale, Jen. Mingiardi ayaa sheegay in dhibaatada haysata ay tahay in ciidamada ay tababarrada siiyaan aysan u helin karin qalab ku filan oo ay ku howlgalaan. Isagoo xusay in loo baahan yahay in ciidamada la tababbaro ay u baahan yihiin inay helaan qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen.

"Tusaale ahaan tababarkii ugu dambeeyay ee aan bixinno waxaan siinnay 100 askari oo ciidamada Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo midkoona uusan xirnayn direyska ciidamada, waxayna tababarka ku qaateen dhammaantood dharka rayidka ay xirtaan,” ayuu yiri Jen. Mingiardi.

Isagoo sii hadlaya ayuu taliyuhu sheegay inay u baahan yihiin in ciidamada tababarka la siinayo ay helaan qalab iyo dharka ciidamada si tababarkoodu uu u noqdo mid guuleysta.

“Howlgalkeennu waa mid aan ku doonayno inaan Somalia ka caawinno sidii ciidamadooda dib loogu dhisi lahaa… balse haddii aanan helin dhaqaale nagu filan u maleyn maayo inaan gaari karno natiijooyinka aan doonayno inaynu gaarno. Waxyaabaha mudnaanta koowaad in la siiyo aan doonayno waa in la dhiso xeryaha ciidamada, taasoo gacan ka geysan karta in hubka ciidamada la siiyo loo koontaroolo,” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu sheegay inay rajeynayaan in sannadkan 2015-ka ay ka helaan hay’adaha horumarinta Midowga Yurub lacag gaaraysa 2.8 milyan oo doollar, taasoo loo isticmaali doono in askarta loogu iiibiyo dharkii ay ku howl-geli lahaayeen iyo xeryaha la dhiso.

Si kastaba ha ahaatee, taliyaha howlgalka tababarka ururka Midowga Yurub ee Somalia ayaa xusay inay muhiim tahay in la horumariyo heerka nololeed ee ciidamada Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya