4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalka Guri-ceel iyo Duqeymo ka Socda


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Wararaka laga helayo magaalada Guri-ceel ee gobolka ayaa sheegaya inuu dagaal culus oo madaafiic la isku weydaarsanayo uu ka socdo degmadaas, kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda Somalia iyo xoogagga Ahlusunna Waljamaaca.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Guriceel ayaa sheegaya inu dagaal aad u xooggan ka socdo daafaha degmadaas, iyadoo madaafiic culusna ay xilligan ku hoobanayaan gudaha degmadaas.

“Dagaal culus ayaa socda, madaafiic ayaana gudaha degmada ku soo dhacaysa, ma garan karno hadda khasaaraha ay geysteen, welina way socotaa duqeynta,” ayuu warbaahinta u sheegay goobjoog ku sugan gudaha Guri-ceel.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ka dagaallamayaan Barriga iyo Koonfurta degmada Guri-ceel, halka xoogagga Ahlusunna ay ka dagaalamayaan dhanka Waqooyi iyo gudaha degmada.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay weli si rasmi ah looma oga, iyadoo inta badan dadkii ku noolaa degmadaas ay ka baxeen, waxaase weli ku sugan gudaha degmadaas dad tiro yar.

Degmada Guriceel ayaa waxaa horay u kala qabsaday ciidamada dowladda iyo xoogagga Ahlusunna, iyadoo toddobaadyadii lasoo dhaafay degmadaas gacanta ku hayeen xoogagga Ahlusunna Waljamaaca.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Somalia iyo maamulka Ahlusunna ayaan weli ka hadlin dagaalka dib uga soo cusboonaaday degmada Guriceel oo illaa dhammaadkii sannadkii la soo dhaafay ay ku dagaalamayaan labadan dhinac gacan ku haynta degmadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya