4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Maxkamadda Sare ee Kenya oo Diiday Qodobbo ka mid ah Sharciga Amaanka


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Maxkamadda sare ee Kenya ayaa diidday sideed qodob oo ka mid ah Sharciga Amniga Kenya oo uu si rasmi ah u saxiixay madaxweynaha Kenya dhammaadkii sannadkii hore.

Qodobbada ay maxkamaddu diidday ayaa waxaa ka mid ah in lagu ganaaxo lacag gaaraysa hay’adaha warbaahinta ee sheega wararka Al-shabaab ee ku saabsan weerarrada ay Kenya ka geysanayso iyo in qofkii looga shakiyo inuu xiriir la leeyahay argagaxisada la xirir karo hal sano maxkamad la’aan.

Garsoorayaasha maxkamadda; Isaac Lenaola, Mumbi Ngugi, Hillary Chemitei, Hedwig Ong'udi iyo Joseph Onguto ayaa sheegay in aysan qodobbadan ahayn kuwo dastuuri ah, ayna xadgudub ku yihiin xuquuqaadka aadamiga, iyagoo sheegay in hannaan kale lagula dagaalamo argagaxisada.

Isbahaysiga mucaaradka Kenya ayaa markii sharcigan lasoo saaray waxay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah qodobbadan maxkamadda sare ee waddanka Kenya, iyadoo go’aanka maxkamadda uu dharbaaxo culus ku noqonayo xukuumadda.

"Amni-darrada Kenya sabab uma ah jiritaan la'aanta sharciyada, laakiinse haba-csanaanta hay'adaha amniga u xilsaaran ayaa amni-darrada sabab u ah," ayay xaakinnadu sheegeen Isniin ahayd soo saareen. Iyagoo raaciyay. "Xitaa xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay intii dooddu socotay inuu jiraan musuq-maasuq iyo iskaashi la’aan u dhexeysa hay’adaha amniga ee loogu talogalay inay ka hortagaan kharaha argagaxisada.”

Sidoo kale, garsoorayaasha ayaa ku dooday in loo baahan yahay inuu qofka muwaadinka ah la ilaalinta xuquuqdiisa, ayna jirto baahi loo qabo in la helo sharci looga hor-tago kharataha argagaxisada, waxayna intaas ku dareen in sideeddan qodob ee ay sharciga ka saareen aysan ahayn kuwo dastuuri ah.

"Qaybta 12-aad ee sharciga ammaanka waa mid aan loo cudur-daari karin, waayo waa mamnuuc in la xadido xorriyadda saxaafadda. Waana mid aan u aragno inay dastuurka ka baxsan tahay iyo ku xadgudubka xorriyatul qowlka sida ku qoran dastuurka," ayay garsoorayaashu yiraahdeen.

Waxay kaloo garsoorayaashu aad u radiyeen qodobka ku saabsan xadididda qoxootiga dalka soo galaya iyagoo sheegay in qodobkaas uusan ahayn mid laga dhaqan-gelin karo Kenya, qoxootigana ay u baahan yihiin in la caawiyo.

Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD, Raila Odinga ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda, isagoo xusay in maxkamaddu ay awood u leedahay ilaalinta xuquuqda shacabka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Kenya ayaa waxaa soo food-saaraya cadaadisyo cusub oo ku aaddan sidii uu uga hortegi lahaa weerarrada ay ku qaaddo Al-shabaab gudaha Kenya, iyadoo kooxdu ay horay u sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkii Westgate Mall oo ay ku dhinteen 67-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya