4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo u Dabaal-dagay Aasaaskoodii (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusayay 45-guuradii kasoo wareegtay aasaaska ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo uu ka qayb-galay madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan kuwa ciidamada Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Taliska ciidamada Asluubta ee Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Asluubta ay sannadba midka ka dambeeya ay sameynayaan horumar la taaban karo, iyadoo lagu jiro xaalad adag.

“Ciidanka Asluubta waxay qayb ka yihiin ciidamada Qaran ee aan ku faanno. Waxay si xil-kasnimo ah uga soo baxeen waajibaadkooda, iyagoon taageero ku filan helin. Is-xil-qaankooda ayaa keenay in maanta ay halkaan kusoo bandhigaan cutubyo si wanaagsan loo tababaray oo diyaar u ah gudashada waajibaadkooda iyo weliba inay awoodeen inay iibsadaan gawaari cusub oo shaqada ciidammada lagu fuliyo. Waana tallaabo ku dayasho mudan oo aan filayo in qaybaha kale ee ciidammada ay ku dayn doonaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in dowladda awoodeeda ay taageero buuxda oo dhan kasta ah u fidin doonto Ciidammada Asluubta Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray inuu rajeynayo in mustaqbalka dhow ay ciidanka Asluubta dib u hawlgelin doonaan mashaariicdii horay looga bartey sida warshadaha wax soo saarka, beeraha, xarrumaha agoonta iyo kuwo kale.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa khudbada ka hor salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada Asluubta, waxaana munaasabadda kasoo qeybgalay wasiirka gaashaandhigga Jen. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini, taliyeyaasha ciidamada xoogga iyo saraakiil kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya