4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Laamiga Dhex-mara Suuqa Bakaaraha oo lagu Billaabay Dayactir (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Laamiga dhexmara Suuqa Bakaaraha, iskuna xira isgoosyada Howlwadaag iyo Baar Ubax ayaa markii ugu horreysay muddo 25-sano ah waxaa lagu billaabay in la saaro laami cusub, waxaana laamigan dhisaya shirkad laga leeyahaydalka dalka Turkiga.

Dhismaha laamigan waxaa maal-galiyay ganacsatada Suuqa Bakaaraha gaar ahaan kuwa daaraha waa-weyn iyo ganacsiyada ku leh laamiga hareerihiisa kuwaasoo laga qaaday inta badan lacagta ku baxeysa dhismaha laamigan.

Guddoomiyaha degmada Howl-wadaag, Axmed-nuur Cabdi Siyaad oo ayaa u sheegay warbaahinta in laamigan uu yahay mid si casri ah loo dhisay, isagoo xusay in dhaqaalaha ku baxaya laamigan lagu dhisayo ay bixiyeen qaar ka mid ah ganacsatada Suuqa.

“Waxaa ku baxay dhismaha laamigan lacag aad u fara badan, waxaana inta badan bixiyay ganacsatada waaweyn ee Suuqa Bakaaraha, runtiina wuxuu qayb ka qaadanayaa dib u soo celinta bilicda caasimadda Soomaaliya,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Howlwadaag.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in maamulka gobolka uu ka geysanayo gacan weyn dib u dhiska laamigan, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo dayactir laga sameeyo laamiyada dhexmara suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ugu dambeyn, mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa isaguna sheegay in tallaabadan ay tahay mid wanaagsan, ayna ku dhiirri-gelinayso ganacsatada Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan dhismaha Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa ah midka ugu weyn bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, inkastoo suuqan ay dhowr jeer oo hore hareeyeen colaadihii u dhexeeyay xoogagga Islaamiyiinta iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa ciidammo Afrikaan ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya