4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Madaxweynaha Somalia oo maanta qaabilay danjiraha Holland ee Soomaaliya

Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley danjiraha dalka Netherlands ee arrimaha Soomaaliya, Joost Reintjes. Iyagoo kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

Xasan Sheekh ayaa safiirka u sheegay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso barnaamijyada maal-gashiga, dib u dhiska iyo kaalmada isugu jirta ee ay Holland dooneyso inay Somalia ka fuliso, kuwaasoo uu sheegay inay wax-tar u leeyihiin mustaqbalka Soomaaliyada cusub.

Danjiraha Netherlands ee Somalia, Mr. Reintjes oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisa ay wada-shaqeyn buuxda la yeelan doonto Soomaaliya, isla markaana ay kaalin muuqata ka qaadanayso mashaariicda kala duwan ee horumarinta iyo kuwo kaleba.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka Amniga Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed, wasiirka batroolka, Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka kala socday.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda ay ka dhawaajisay in laba qof oo Soomaali ah oo Jimcihii lasoo dhaafay qaraxyo ka geystay Hotel Central ee Muqdisho ay haysteen dhasha dalka Netherlands.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya