4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia oo Muqdisho la Kulmay Danjiraha Turkiga


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa danjiraha Turkiga ee Somalia, Olgan Bekar, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhaqan-dhaqaale iyo ciidan.

Kulanka ayay labada mas’uul isku dhaafsadeen aragtiyo ku qotama xaaladda Somalia ay ku sugan tahay iyo tan Geeska Afrika, iyadoo looga baaraan-degay xiriirka dhinacyada badan leh ee labada dal u dhaxeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah xubnaha xafiiska wasiirka arrimaha dibadda, waxaana lagu falan-qeeyay fulinta barnaamijyo horumarineed oo dalka wax ku ool u ah.

Wuxuu kulankan kusoo beegmayaa iyadoo shalay uu magaalada Kismaayo booqasho ku tagay dajiraha dalka Turkiga u jooga Soomaaliya, Olgan Bekar, isagoo kala soo hadlay mas’uuliyiinta maamulka KMG Jubba sidii xukuumadda Turkiga ay gacan u siin lahaayeen maamulkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa waxaa kaga sugan Somalia hay'ado ka mid ah kuwa u qaabilsan dalka Turkiga dhanka horumarinta, kuwaasoo howlo isugu jira dib u dhis iyo caawinta shacabka Soomaaliyeed ka fuliya Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya