4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
KENYA: Gabar Kelyaha ka Xanuunsan oo lagu yeeshay Hal Milyan (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Ayaan Geeddi Muudeey waa gabar yar oo 16-jir ah, waxeyna ku jirtaa Isbitaal ku yaallo magaalada Nairobi mudo saddex bilood ah, iyadoo lagu leeyahay Lacag ku dhow Hal Milyan oo Lacagta Kenya ah;  xili dhaqaatiirtu ay sheegeen in labada Kelyood ee gabadhaas ay shaqadii joojiyeen, isla markaasn ay u baahan tahay Isbuuc kasto in labo mar la dhaqo Kelyaheeda.

Baniiin Cabdi oo ah hooyada dhashay gabadhaas xanuunsan, ayaa Hiiraan Online u sheegtay in mudo sanad ku dhow uu xanuunkaas kelyaha ah hayo gabadheeda, ayna Isbitaalo kala daba wareegeysay xili aynan haynin wax lacag ah.

Hooyada dhashay Gabadhaas, ayaa sheegtay in Isbitaalka ay hada gabadheeda ku jirto oo lagu magacaabo Nairobi East Hospital oo ku yaallo Xaafada Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi, looga leeyahay Lacag gaareyso 900,000 (Sagaal Boqol oo kun) oo lacagta Kenya ah, taaso u dhiganto $9,836  (Sagaal kun, Sideed Boqol Sodon iyo Lix Dollar), isla markaasna ku dhow Hal Milyan oo lacagta Kenya ah; una dhiganto $10,929 (Toban kun, Sagaal Boqol Labaatan iyo Sagaal Dollar).

Baniin Cabdi, ayaa sidoo kale sheegtay in Aabihii dhalay gabadhaas xanuunsan uu geeriyooday afar sano ka hor, isla markaasna aynan jirin cid ay ku tirsan yihiin oo hada lacagtaas ay ka sugeyso inuu ka bixiyo.

"Gabadheyda waxaa la qabtay Sanadkii hore iyadoo u fadhiso imtixaanka Form 2-ga Dugsiga Sare, markii la qabtay wey baraartay, waxaan geyay Isbitaal ku yaallo magaalada Gaarisa laakin waxey ii sheegeen inaan Nairobi u soo qaado. Sidaas ayaana Nairobi ku keenay anigoo aanan lacag haysanin", ayey tiri Hooyo Baniin Cabdi oo ka codsatay dadka Soomaaliyeed iney ka bixiyaan lacagta badan ee Isbitaalka looga leeyahay.

Dhanka kale. Maamulka Isbitaalka Nairobi East Hospital, ayaa sheegay iney u sameeyaan gabadhaas xanuunsan adeeg kasto oo  caafimaad, isla markaasna lacagta biilka ah ee Isbitaalku uu ku leeyahay ay hada badatay, waxeyna sidoo kale sheegeen in gabadhaan ay u baahan tahay in loo fidiyo gar-gaar caafimaad oo dheeraad ah.

Ashihundu oo ah Maamulaha Isbitaalka ay ku jirto Ayaan, ayaa isagana HOL u sheegay in Gabadhaas ay u baahan tahay; isbuuc kasto in mudo labo mar ah laga dhaqo Kilyaha hadii kalana ay khatar gali karto.

Ayaan Geedi ayaa xanuunka hayo waxey ku sheegeen dhaKHaatiirtu in lagu dhahaa Afka Ingiriiska “Acute Renal failure” oo ah in Kelyuhu ay shaqeyn waayaan,waxeyna sidoo kale Dhaqaatiirtu sheegeen in xalku uu yahay ama Gabadhaan ay u baahan tahay Kidney transplant oo ah in Kelyaha loo badalo.

Wadanka Kenya oo ay hada ku sugan tahay Gabadhaan xanuunsan, ayaanan wax badan looga qaban karin xanuunkaas sida ay sheegeen howl-wadeennada caafimaad ee la tacaalaayo xaaladeeda, oo ku baaqay in Wadanka Hindiya caafimaad ahaan loogu qaado madaama ay inta badan ay la tacaalaan jirooyinka noocaan oo kale ah.

Dhanka kale, Ayaan oo todobaadkiiba labo mar laga dhaqaa Kelyaha, ayaa waxaa halkii marba ku baxdo lacag dhan 50 kun oo lacagta Kenya ah, taasoo u dhiganto $550 (Shan Boqol iyo Konton Dollar).

Gabadhaan xanuunsan oo ilaa iyo hada aynan jirin cid u soo gurmatay, ayaa waxey aheyd ardayad dhiganeysay Dugisga sare ee Gabdhaha "Yathrib Girls Secondary school" oo ku yaallo magaalada Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya, sanadkii hore markii laga qabtay Kelyaha sida ay HOL u sheegtay Baniin Cabdi oo ah hooyada dhashay gabadhaas oo ka soo jeedo qoys Sabool ah oo aanan awoodi karin iney bixiyaa lacagaha deynta ah ee Isbitaalka looga leeyahay iyo waliba adeega caafimaad ee gabadhooda ay u baahan tahay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya