4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Dowladda Kenya oo ciidamadeeda Heegan u gelisay Hanjabaaddii Al-shabaab


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa ciidamadeeda gelisay heegan buuxa, kaddib hanjabaaddii Al-shabaab, waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ay sheegeen inay baqdin ka qabaan weerarro kaga yimaada Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha Kenya waxay sheegeen in la kordhiyay ciidamada soohdinta ay la wadaagan Soomaaliya ilaalada ka haya, kuwaasoo ay sheegeen inay ka sameysanayaan xadka ilaalo socod ah, si ay uga hortagaan xoogag ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u soo gala dalkooda.

“Al-shabaab waxay billaabeen qaabab kala duwan oo ay shacabka cabsi ku gelinayaan… markii magaalooyin muhiimka ahaa laga qabsaday, waana ka hortagaynaa qorshaha ay wataan,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka dalka Kenya David Obonyo oo warbaahinta la hadlay.

David Obonyo ayaa intaas ku daray inay diyaar u yihiin inay ka hortagaan qorshe walba oo ay Al-shabaab ku doonayso inay dalkooda ku weerarto, isagoo xusay in hanjabaadooda ay u arkaan inay tahay mid aan macno badan lahayn.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa muuqaal ay baahisay Sabtidii aynu soo dhaafnay waxay kusoo bandhigtay weerarkii ay ku qaaday Westgate Mall oo ku yaalla magaalada Nairobi sannadkii 2013-kii, iyadoo sidoo kale ay kooxdu ku hanjabtay inay weerarayso danaha reer galbeedka.

“Muuqaalka ay Al-shabaab baahisay waa mid ay ku doonayso inay argagax ku geliso dadka u dhashay dalalka ay u hanjabeen ee Mareykanka, Canada iyo Britain, gaar ahaan goobaha ganacsiga ee dalalkaas ku yaalla, iyagoo u fulin doona weerarradooda sida kii Westgate Mall oo kale,” ayuu Obonyo ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhamaadkii sannadkii hore weerarro xiriir ah ka geysatay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaannada ku yaalla xeebta dalka Kenya, halkaasoo ay ku dileen in ka badan boqol qof oo askar iyo rayid isugu jiray.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya