4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Dagaal Mar kale Maanta ka dhacay Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Gur-ceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in mar kale maanta uu halkaa dagaal ku dhaxmaray ciidammada dowladda iyo dagaalyahannada Ahlu Sunna Waljameeca.

Qof goob jooge ah ayaa HOL u sheegay in dagaal oo dhacay barqanimadii maanta uu ka bilaawday dulleedka koonfureed ee degmada, waxaana uu intaa ku darray in rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac soo gaareysay qeybo ka mid ah xaafaddaha degmada.

Saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ku eedeeyay dhinaca ciidammada dowladda in ay jabiyeen xabad joojintii lagu hishiisyay, islamarkaana bilaabeen dagaalka maanta dhacay, inkastoo dhinaca saraakiisha ciidammada dowladda wax war ah soo saarin.

Odayaasha iyo waxgaradka dhax-dhaxaadinta wadda ayaa sheegay inay dhinacooda aad uga xun yihiin dagaalka maanta ka dhacay degmada iyo jabinta xabad joojinta, laakiin wali ku dadaalayaa siddii mar kale looga fogaan lahaa dagaal danbe oo dhaca.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta dhacay oo ahaa mid saacado kooban socday.

Inkastoo waqtiga xaalad degmadu tahay mid degan, ayaa haddana wali waxaa jirta xiisad iyo is abaabul dagaal, taasoo shaki badan ku keentay dadka fara ku tiriska ah ee ku sii harsan degmada oo ka cabsi qaba dagaal culus oo mar kale degmada ka dhaca.

C/raxmaan Diini, Hiiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya