4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Al-shabaab oo weerar gaadmo ah ku dishay askar ka tirsan ciidanka Puntland


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Ugu yaraan laba askari oo ka mid ahaa ciidamada Puntland ayay xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab dileen, kaddib weerarro ay ku qaadeen ciidamadan oo ka mid ahaa kuwii ku sugnaa buuraha Galgala.

“Xoogagga Al-shabaab ayaa weeraray laba saldhigo oo ay ciidamadeennu ku lahaayeen buuraha Galgala, weerarradu waxay dhaceen Axaddii iyo Isniintii lasoo dhaafay,” ayuu yiri C/qaadir Sameysane oo ka mid ah saraakiisha sare ee ciidamada Puntland oo wareysi siiyay wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu.

Sameysane wuxuu sheegay in ciidamadooda looga dilay weerarradaas laba askari, sidoo kalena looga dhaawacay lix askari oo kale. Isagoo aan sheegin khasaaraha ay u geysteen xoogaggii soo weeraray ee Al-shabaab.

Idaacad ku hadasha afka Al-shabaab oo lagu magacaabo Andalus ayaa iyana sheegtay in xoogaggooda ku sugan Puntland ay weerar gaadmo ah ku dileen shan askari oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Buuraha Galgala ayaa tan iyo sannadkii hore dhammaadkiisii ahaa goob ay ku hardamaan ciidamada Puntland iyo xoogagga Al-shabaab oo illaa sanadkii 2010-kii ku lahaa saldhigyo ay ka weeraraan ciidamada maamulka Puntland.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ciidamada Puntland ku dileen buurahaas shan ka mid ah xoogagga Al-shabaab, kaddib markii ay weerarro balaaran ku qaadeen deegaannadaas.

Xarakada Al-shabaab oo sannadihii ugu dambeeyay laga qabsaday dhowr magaalo oo muhiim ah, ayaa waxay weli ka wadaan gudaha Soomaaliya dilal qorsheysan iyo weerarro ay ku jiraan kuwo ismiidaamin ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya