4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Madaxweynaha Jabuuti oo si adag uga hadlay hanjabaadii kooxda Al-shabaab


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay markii ugu horreysay hanjabaadii Al-Shabaab ee ahayd inay weerarayaan suuqyada ganacasi ee dalalka reer galbeedka, isagoo ku tilmaamay hanjabadaas mid waxba kama jiraan ah.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu Geelle uga hadlay hanjabaadda Al-shabaab iyo safarkii uu ku tagay Muqdisho iyo Hiiraan, isagoo xusay in casuumaad uu ka helay madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu ka qayb-galay xuska maalinta Afka Hooyo.

Sidoo kale, mar wax laga weydiiyay hanjabaaddii Al-shabaab ayuu sheegay inay tahay mid aanay waxba ka jirin oo uu ururku gabo-gabo marayo, isla markaan aan loo baahnayn in la buun buunin, garna la siiyo sida ay iyagu doonayaan.

“Meel ay itaal u leeyihiin oo ay ku weerari karaan ma jirto, xilli gabo-gabo ah ayayna joogaan,” ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti oo hadalkiisa ku daray in in dalkiisa uu ka feejigan yahay hanjabaadaha Al-shabaab.

Geelle ayaa soo hadal qaaday arrimaha soohdinta Jabuuti ay la wadaagto maamulka Somaliland, wuxuuna xusay inay sare u qaadeen amniga xuduuda iyo in la sameeyo koontarool xooggan.

“Arrinta soohdinta markaan ka hadlo koontarool baa jira, lama hakin, waxaa keliya oo lagu soo kordhiyay in si hagaagsan loo baaro gaadiidka, sababta ay ku timidna waa digniinta iyo in taxadar la muujiyo,” ayuu yiri Geelle.

Si kastaba ha ahaatee, Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay weerarayso ganacsiyada dalalka reer galbeedka oo ay ka mid yihiin; Mareykanka, Canada iyo Britain.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya