4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Mid ka mid ah Murashaxiinta Gobollada Dhexe oo la Kulmay Soomaalida Ohio


Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Maxamed Cilmi Afrax (Mideeye)  oo ka mid ah murashaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee maamulka gobollada dhexe ee Somalia oo soo gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka ayaa maanta la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkan.

Waxa kulanka Musharaxa ka soo qeybgalay aqoonyahano, xeeldheerayaal, Cuqaal, iyo qeybaha Bulshada, kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay Mohamed oo ah shaqsi u soo shaqeeyay bulshada goboladasaasi mudo 20 sano ah oo uu madax ka ahaa qaar kamid ah hay’adaha samafalka ee gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Ku dhawaaqida in uu xilkan u taaganyahay waxa uu ku sifeeyay in uu yahay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh baahida iyo rabitaanka shacabka goboladaasi ku nool, iyo in uu mudo ku soo dhexjiray oo uu la socdo waxyabaha gobolka ku haboon, sida Amaanka, Dib u heshiisiinta, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Abuurista shaqooyinka, Kobcinta dhaqaalaha iyo wixii la hal maala.

Dadkii ka soo qeybgalay oo u badnaa dadka goboladaasi ka so jeeda ayaa waxa ay u muujiyeen Mohamed sida ay ugu faraxsanyihiin in qof aqoonyahan ah dalkana mudo ku sugnaa kana soo shaqeeyay ay mudantahay in uu hogaanka u qabto iyaga oo ka codsaday dadka goboladaasi in ay is garab taagaan walaalkood Mohamed Elmi Afrah (Mideeye) oo ah nin dhalinyaraa oo wax badali kara.

Musharaxa ayay bogaadiyeen dadkii ka hadlay oo ku raray fariimo xanbaarsan masuuliyada uu filayo iyo halista ay leedahay hadii aan si daacad ah loo gudan, waxayna ka codsadeen hadii uu wayo xilkan in uu shaqada bulshada uu u hayo halkeedii ka sii wado dhanwalba oo ay tahay.

Qaarkamid ah ardadii ay wax isla soo barteen xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa goobta ka hadlay kana sheekeeyay Taariikhda Mohamed iyaga oo ku tilmaamay Muwaadin wanaagsan isla markaana dhibtii dalka ee ay saxiibadii ka carareen u samray wax ku sii bartay, kana shaqeeyay.

Waxa uu horay socdaal meelo badan ah ku tagay deegaamada gobolada Galgaduud iyo Mudug, Waxana uu noqonayaa Musharaxii ugu horeeyay oo jaaliyada Columbus la kulma isaga oo ka codsanaya in dadka wax galkaa ay dalka yimaadaan isla markaana naftoda, waqtigooda iyo maalkoodaba u huraan.

Deeqo Aadan Shire, (Deeqo Sonna)
Columbus, OHIO
[email protected]