4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 24, 2015
Xukuumadda Zambia oo xabsiga u taxaabtay 51 qof oo ay Soomaali ku Jiraan

Talaado, Feberaayo 24, 2015 (HOL) — Dowladda Zambiya ayaa xabsiga dhigtay 51 qof oo loo haysto in ay sharci-darro ku joogeen gudaha caasimadda Lusaka sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Namati Nshinka oo ah madaxa xiriirka dadweynaha ee laanta socdaalka dalkaas.

Waxaa masuulkan uu sheegay in 20 kamid ah dadka la xiray ay u dhasheen Zimbabwe halka 13-qof na ay yihiin Soomaali wadankaa in muddo ah ku noolayd, isla markaana siyaabo kala duwan loo soo qab-qabtay.

Sidoo kale  dadka la xiray waxaa ku jira lix ruux oo u dhashay Tanzaniya iyo labo qof oo iyagana u dhashay wadanka Burundi ,waxaana maalmo ka hor ay dowladda Zambia bilowday raaf looga soo horjeedo dadka sharci la’aanta ku jooga wadankeeda.

“Dhamaan dadka la soo qab-qabtay waxa ay haysteen sharciyo dhacsan oo aan shaqaynayn ,waxaana la hor gayn doonaa maxkamadda “ayuu yiri Namati Nshinka oo ka hadlayay howl-galkan.

Qaar kamid ah dadka sharci la’aanta loo soo xir-xiray ayaa la sheegay in ay ku sii jeedeen dalka Koonfur Afrika, isla markaana ay ku dhuumaalaysanayeen xarumo ay u diyaariyeen dadka wax tahriibiya.

Ugu danbayn,Soomaali badan ayaa bur-burkii ka dib u cararay dalka Zambiya ,waxaana qaarkood ay ganacsyo hormar leh ka hirgaliyeen magaalooyin ay ka mid tahay Lusaka iyo tuulooyinka ku yaala xuduudaha dalkaas.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]