4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Wasiirka Difaaca Somalia oo Kormeeray Xarun loo dhisayo Ciidamada Xoogga


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Wasiirka difaaca Somalia, C/qaadir Shiikh Cali Diini ayaa maanta kormeer howlleed ku tagay xarun laga dhisayo kulliyadda saraakiisha xoogga dalka, waxana kormeerkiisa ku wehlinayay taliyaha ciidamada xogga, Jen. Daahir Aadan Cilmi iyo saraakiil kale.

Xarunta ayaa waxaa dhisaysa dowladda Turkiga, iyadoo wasiirku uu si guud u kormeeray dhismaha xaruntan, isagoo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah injinneerada gacanta ku haya dhismaha xeradan.

Sidoo kale, wasiirka Difaaca ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay sida ay u socoto dhismaha xerada, isagoo xusay in dhismaha xeradan ay muhiimad aad weyn u leedahay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

“Waxaa wax lagu farxo ah horumarka iyo dhismayaasha cusub ee ka socda xeryaha ciidamadda, waana mid qof walba oo Somali ah farxad gelin karta, sidaa darteed waxaan u mahadcelinayaa dowladaha aan walaalaha nahay ee qeybta ka qaadanaya horumarka ciidamadda xoogga, gaar ahaan Turkiga oo howshan gacanta ku haysa,” ayuu yiri Diini.

Isagoo sii hadlaya wasiirka ayuu sheegay in wasaaraddu ay sii wadi doonto howlaha dib u dhiska ah ee lagu sameynayo xuarmaha ciidamada xoogga dalka, iyadoo dib u dhiskaasiina lala kaashanayo hay’adaha iyo dowladaha Soomaaliya saaxiibada la ah.

Ugu dambeyn, wuxuu ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay gacana ku siiyaan sidii loo soo celin lahaa sharaftii ciidamadda xogga Soomaaliyeed iyo in deeegaannada ku jira gacanta Al-shaaab laga saaro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya