4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Wafdi uu horkacayo safiirka Turkiga ee Somalia oo Kismaayo tagay (Sawirro)


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) —Wafdigan oo uu horkacayay danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar iyo xubno ka tirsan safaaradiisa ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyadoo ay kulamo la qaateen madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubbaland.

Wafdiga ayaa markii uu soo dagay waxaa garoonka Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wafdigii Turkiga ayaa intaa kadib booqday dekedda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay ku xirnaayeen Maraakiib iyo doomo ganacsi, waxayna sidoo kale warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee dekedda ka dhageysteen maaareeyaha dekedda Kismaayo C/laahi Dhubad Shiil.

DAAWO: SHIRKII JARAA'ID EE EE MAS'UULIYIINTU QABTEEN
 

Intaa kadib ayaa wafdigu waxa uu dib ugu laabtay xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo halkaasoo ay kulamo kula qaateen madaxweeynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxa madaxweeynaha Jubbaland iyo danjiraha dowladda Turkiga ee Soomaaliya ay sheegeen in ay ka wada hadleen arimo ku saabsan sidii dowladda Turkigu uga qeyb qaadan lahaa horumarka deegaannada Jubbooyinka islamarkaana ay deegaanadan uga bilaabi lahayd mashaariicda ay ka wado Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa gabagabadii hadiyado qaas ah gudoonsiiyay madax-weynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe.

Booqashadan ayaa noqoneeysa tii ugu horeeysay oo danjiraha Turkigu ku tago magaalada Kismaayo, waxayna dowladda Turkigu mashaariic kala duwan oo horumarineed ka wadaa qeybo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.