4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Rabshado maanta ruxay degmada Laascaanood ee Gobolka Sool (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Ciidanka booliiska oo kaashanaya kuwa millateriga ayaa maanta xoog ku furay waddooyin ka tirsan kuwa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ku xirmay rabashado ka dhaceen maanta.

Rabshadahan oo billowday duhurnimadii maanta ayaa ka dhashay markii ay magaalada soo galeen warar ku-tiri-ku-teen ah oo ahaa in wiil dhallinyaro ah oo laba maalmood la waayay la sheegay in lagu dilay duleedka Caynabo.

Sidoo kale, rabshadahan ayaa sababay inuu xirmo isku socodka wadooyinka magaalada Laascaanood iyo guud ahaan ganacsigii, ka hor intii aysan dib u soo celin ciidamadu deggenaashaha magaalada.

Ma jirto cid soo abaabushay dibadbaxa rabshadaha watay sida ay sheegeen dad goobjooga-yaal ah, waxaase ay degtay rabshadu markii goor-dambe laga helay wiilkii ay rabshadu ka awgiis u dhaceen oo bad-qaba duleedka tuulada Guumeys oo 75-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Laascaanood.

Weli ma cadda sababta keentay in wiilkaan oo lagu magacaabo Mukhtaar Faarax Caarshe (Astaan) oo la la'aa muddo laba maalmood ah inuu lumo, waxaase qaar qaraabadiisa ka mid ah ay sheegeen inuu ka baqay ciidan ku sugnaa magaalada Caynabo; isagoo ka yimid dhinaca magaalada Hargeysa kuna soo socday Laascaanood.

Si kastaba ha ahatee, wiilkan oo diif xumi ay ka muuqatey ayaa waxaa lagu dabiibayaa hadda magaalada Laascaanood, iyadoo weli la iska weydiinayo su'aalo waxa ku dhacay.


Seynba Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool