4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Dowladda Somalia oo ka hadashay dabkii ka kacay suuqa shidaalka Black Sea


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa war kasoo saartay dabkii maanta ka kacay suuqa shidaalka xaafadda Black Sea ee degmada Hodan, iyadoo sheegtay in qorshe wax looga qabanayo goobaha shidaalka ay dowladdu waddo.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ku sheegay hadal uu warbaahinta siiyay in dowladda Somalia ay ka xun tahay khasaaraha ka dhashay dabkii ka kacay suuqa shidaalka Black Sea, gaar ahaan goobta shidaalka lagu iibiyo laguna kaydiyo.

“Dowladda Somalia waxay ku tala jirtaa in goobaha ganacsiga sida ay isku raaci karaa la isku raacin doono, isla markaana la kala saaro goobaha lagu kaydiyo laguna iibiyo shidaalka iyo maqaayadaha, si looga hortago dabka ku soo noq-noqday suuqyada,” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in dowladdu ay sameynayso qorshe ay wax uga qabanayso arrimahaas, isagoo tilmaamay in dabkii maanta ay khasaare xooggan kasoo gaartay ganacsato Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, wasiirka warfaafinta ayaa xusay in dabka noocan oo kale ah uu marar badan kusoo noq-noqday suuqyada magaalada Muqdisho, isagoo kula dar-daarmay ganacsatada inay mas’uuliyad iska saaraan goobaha ay ka sameysanayaan ganacsiyadooda.

Si kastaba ha ahaatee, dabka khasaara badan geystay ayaanay wax qof wax ku noqday, iyadoo ganacsatadii shidaalka lahaa ay sheegeen inay maanta ka gubteen shidaal cadad-kiisu yahay 4,000 oo fuusto, iyadoo sidoo kalena uu u geystay dabkan khasaare guryo ay dad shacab ahi ku noolaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya