4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Mucaaradka iyo Madasha Wadashiga oo Dhaliilo u soo Jeediyay Xukuumadda

Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Xisbiyada mucaaradka iyo madasha wadatashiga ee Somaliland ayaa kulan ay uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka la filayo in bartamaha sanadkan ka qabsoonto ku yeeshay magaaladda Hargeysa.

Siyaasiyiinta ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in wixii ka dambeeye bisha June ee sanadkan inay sii shaqeeyaan xukuumadda iyo baarlamaanka wakhtigooddu dhacay, isla markaana ay dalka ka dhacdo doorasho xor oo xalaal ah.

“Qolyo Wasiiro ah oo istirin-tircinaya oo leh waxaas la qaban maayana waan arkayay, in waxaas la qabto iyo inaan la qaban waxay ku xidhan tahay in Xilkiina aad gudataan iyo inaydaan Gudan.waxaana muuqata inaad gudan waydeen.haddaa gudan waydeena in la idinku eegaa Umadda ayaa dambi galaysa oo Dambiga aad leedihiin ayaa la idin la galayaa” ayuu yidhi guddoomiyaha madasha wadatashiga Xasan Guure.

Xasan Guure ayaa sheegay in madasha wadashiga iyo xisbiyada mucaaradku ka wada hadleen sidii dalka doorasho uga dhici lahayd, waxaanu yidhi “Labada Xisbi Mucaarad oo Sharci u leh inay doorashada ka qayb galaan,Madasha oo iyadu aan sharcigaasi lahayn laakiin, Og halka dalku marayo, waajibna ay ku tahay inay qaybtooda ka qaataan ayaa maalmahanba ka shirayay sidii wax looga qaban lahaa Xaaladda dalka, Sidii ay u dhici lahayd Doorasho Xor ah oo Xalaal ah oo Diwaangalintii leh oo Maxakamad inoo dhexaysa leh”.

Xasan Guure oo u jawaabay wasiirka Arrimaha gudaha waxa uu yidhi “Waxaad moodaa inuu ku jawaabayo Maskaxdii Siyaad Barre ee uu ku barbaaray, Xukunka Umaddaa leh ee isagu ma leh, isagu waa Shaqaale oo lama dooran. Isaga iyo Madaxtooyaduba kadinkay ka baxayaan markay dhamaato xilkii umaddu saartay ee ku eekaa 26-ka June, waana inuu wakhtigaasi joogo Madaxweyne xilka lagu wareejiyo. Haddii Madaxweynuhu dhamayn waayay Qorshihii Doorashada Dadkaa qabanaya ee dadku yaanay ka didin dawladdu way tegaysaa, cidda tegaysaa waa ciddii la doortay ee wakhtigu ka dhamaaday. Dawladdu waxay u qaybsan tahay Shaqaale qaranka u shaqeeya iyo Goleyaal la doortay oo wakhti leh,xiligooda inay dhaaftana aanay ahayn”.

Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo ka hadlaya kulamo ay wada yeesheen xisbiyada mucaaridka ah iyo kulankan ay la qaateen madasha wada tashiga ayaa waxa uu yidhi “Xisbiga Ucid iyo xisbiga waddani waxay mudo dheer ka wada hadlayeen xaalada dalka oo maanta maraysa meel aad u cidhiidhi ah.sidii dalka looga badbaadin lahaa inaanu dhibaato galin, waxaanu maanta la kulanay madasha wada tashiga oo ah rag  halgan dheer dalkan u soo galay, aas aasayaashii ururkii dalkan xoreeyey ka mid ah, waxaanan ka wada hadlaynay sidii dalkani u badbaadi lahaa dhibaatana aanay u dhacdeen.”

Sidoo kale, xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade  waxa uu sheegay  inay ka wada hadleen sidii xukuumada looga wareejin lahaa talada dalka si nabad galyo ah waxaanu yidhi “Dhibaatadan maanta dalka haysata oo ah xukuumada maanta jirta si hawl yar oo nabad galyo ah xukunka looga wareejin lahaa.”

Sidoo  kale, Musharax ku xigeenka Madaxweyne ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay lumisay Kalsoonidii Wadamada jaarka “Waxaa xusid mudan in Intii Xukumadda Kulmiye xilka haysay waxaa inagu soo noqnoqday dhibaatada Xuduudaha,waxyaabaha ugu muhiimsanna waxay salka ku hayaan Arrimaha amniga, waxaanay taasi  caddaynaysaa in Xukumaddani ku fashilantay laba arrimood oo kala ah Amniga Mandaqadan aynu ku nool nahay iyo Kalsoonidii la innaga qabi jiray oo Lunsan, iyo arrinta labaad oo ah Xidhiidhkii Diblamaasiyadeed ee aynu wadamada jaarka la lahaan jiray oo ahaa ka ugu mudan inuu marayo halkii ugu hoosaysay” ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan.

Cali Cilmi Geelle, oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in Nolosha Bulshada Degaamada Xuduudka ku teedsan ku xidhnayd Jamhuuriyadda Jabuuti, isla markaana aanay xamilayn maalmo Xuduudku xidhnaado.  waaxay xukumaddu ugu baaqeen inay dadka tafaasiil ka siiso Xidhista Xuduudka ee Jabuuti ku kacday.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyadda mucaaradka iyo siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka ayaa xukuumadda ku dhaliilay xuduudda ay jabuuti xidhatay iyo cabsidad laga qabo in doorashaddu wakhtigeeddii ku dhici waydo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland