4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Amniga Mall of America oo la adkeeyay kaddib hanjabaadii ururka Al-shabaab


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Goobta laga dukaamaysto ee ku yaalla gobolka ay ku badan tahay Soomaalida ee Minnesota - Mall Of America - oo shalay ay ku hanjabtay Al-shabaab inay weerarro la beegsanayso ayaa ammaankooda aad loo adkeeyay.

Xaruntan ganacsi oo ah mid caan ah ayaa sannadkiiba waxaa ka dukaameysta in ka badan 42-milyan oo qof, wuxuuna ka kooban yahay afar dabaq, waxaana ku yaalla 520 dukaan iyo 50 maqaayadood, iyadoo hoteello la seexdana ay ku yaallaan, waxaana wali ka socda dhismayaal lagu ballaarinayo xaruntan.

Dadkii shalay halkaas tagay ayaa dareemayay in amniga aad loo adkeeyay, waxaana la keenay ciidammo dheeraad ah oo ka badan kuwii hore u joogi jiray xilliyadda caadiga ah.

Shacabkii aan la socon hanjabaadda ururka Al-shabaab ayaa la yaabanaa sida wax u jiraan, waxaana telefishannada iyo warbaahinta gobolka oo dhan ay maanta ka hadlayaan arrintaas.

Xubno badan ka tirsan jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ku nool ayaa aad uga xumaaday, waxaana shir deg-deg ah isagu yimid culummada gobolkan iyo madaxda ururrada bulshada, iyagoo lagu wado inay kulankooda kaso saaraan maalinta berri ah hadal arrintan ku saabsan

Mall of America waxaa ka shaqeeya boqollaal Soomaali ah kuwaasoo qabta shaqooyin kala duwan; waxaana HOL ay isku dayday inay dareenkooda la  wadaagto, balse nooma suurogelin, iyadoo hawada gobolku ay ahayd mid aad u qabow.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota. USA