4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay dabkii ka kacay suuqa Shidaalka B. Sea


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Dab khasaare hantiyeed oo aad u badan geystay ayaa maanta ka kacay bakhaaro shidaalka lagu kaydiyo laguna iibiyo oo ku yaalla xaafada Black Sea ee degmada Hodan.

Ganacsatada shidaalkan lahaa ayaa warbaahinta u sheegay inuusan geysan dabkaan wax khasaare nafeed ah, balse ay ku gubteen bakhaaro badan oo ay fuustooyin shidaal ahi ku keysanaayeen.

“Waxaa ku gubtay dabkan sideed bakhaar oo shidaal uu ku keydsanaa ayaa ku gubtay dabkan, waxaana ku qiyaasi karaa shidaalka gubtay illaa 4,000 oo fuusto oo shidaal ah,” ayuu yiri C/fataax Axmed Cismaan oo dadka shidaalka ka ganacsada oo la hadlay VOA-da.

Sidoo kale, ganacsadahan ayaa sheegay in 50-fuusto oo shidaal ah oo ay ka soo saareen bakhaarad gubtay si ay u badbaadsadaan laga xaday intii dabku uu socday nalaga xaday.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRO FARA BADAN:

Ganacsade C/fataax ayaa xusay in gurmad ay ka heleen maamulka gobolka Banaadir iyo  shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud, kuwaasoo gaadidka lagula dagaalamo dabka keenay, taasoo sahashay in dabka la damiyo.

“Dadweyne badan ayaa gacan ka geystay daminta dabka, waana la baqtiiyay sidoo kalena waxaan dalbannay katarabiillo gura dabka si aanay goobo kale ugu fidin,” ayuu hadalkiisa ku daray ganacsadahan,

Mar la weydiiyay C/fataax waxa dabka dhaliyay ayuu ku sheegay in martoo la shidayay oo ganteelkii uu ka qarxay uu dabka dhaliyay, waxaana uu xusay in dabkan uu khasaare gaar-siiyay dhismayaal ay shacab ku noolaayeen oo ku dhawaa bakhaarada gubtay.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii saddexaad oo bakhaarradan shidaalka lagu iibiyo laguna kaydiyo uu dab noocan oo kale ah ka kaco, waxaana ay ku yaallaan goobahan deegaanno ay dad shacab ah daggan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya