4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Jarmalka oo dalka Kenya ka taageeraya la-dagaalanka kooxaha Argagixisada


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Dowladda Jarmalka ayaa ballan-qaaday inay Kenya ka caawinayso qaabkii ay kula dagaallami lahayd kooxaha loogu yeero argagixisada.

Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Walter-Frank Steinmeier, ayaa sheegay iney tababaro siin doonaan Hay’addaha amniga qaabilsan ee Kenya, isla markaasna ay bixin doonaan adeegyo tababarkaas quseeyo.

Wasiirka ayaa hadalkaas ka sheegay kulan Axadii shalay uu kula yeeshay Nairobi dhigiisa Kenya Aamina Maxamed.

Steinmeier, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay tababarka ay dowladiisu balan qaaday inuu wax weyn ka badali doona xaalada ammaan ee Kenya, isla markaasna ciidamada Kenya ay ku guuleysan doonaan sugida amniga iyo ka hortaga dhibaatooyinka.

Amina Mohamed, ayaa dhankeeda sheegtay in xag-jirnimadu ay halis ku tahay gobalka; ayna sidoo kale hoos u dhac u keentay hanaankii siyaasada iyo mida dhaqaalaha.

“Colaadaha ka jirto wadamada Soomaaliya iyo koonfurta Sudan, ayaa culeys weyn nogu ah gobal ahaan. Marka taas la eego, ayaa dowlada Jarmalku waxey ku dadaaleysaa iney naga caawiso tababarka ciidamada booliska iyo Sirdoonka”, ayey tiri Aamina Mohamed.

Si kastaba ha ahaatee dowlada Jarmalka, ayaa horay waxey u sheegtay iney Kenya ka caawin doonto dhinacyo kala duwan,  iyadoo arrintaana ay ku soo beegmeyso xili Kenya ay ka dhaceen weeraro dad badan lagu dilay isla markaasna ay Kenya dadaal ugu jirto sidii ay garab ugu heli laheyd la dagaalanka kooxaha ay ugu yeerto argagaxisada.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya