4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo safar Caafimaad ugu dhoofay dalka Jarmalka


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa maanta safar caafimaad ugu dhoofay wadanka Jarmalka, halkaasoo todobaadkii hore uu Madaxweynaha Soomaaliya u tagay baaris caafimaad.

Xubno ka tirsan xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xaqiijiyay inuu safarka Jawaari la xiriiro arrimo caafimaad, si baaritaan caafimaad loogu soo sameeyo. iyadoo Jawaari ay ku sii sagootiyeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xubno ka tirsan baarlamaanka iyo mas'uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in guddoomiyaha baarlamaanka ay safarkiisa ku wehliyaan xaaskiisa iyo wiilkiisa, waxaana la sheegayaa inuu geli doono isbitaal magaalada Barliin ku yaalla, halkaasoo uu toddobaad ku jiri doono.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in guddoomiyuhu ay horay ugu qorsheynayd inuu safar caafimaad ugu ambabaxo dalka dibaddiisa, ka hor intii madaxweynaha Somalia uusan ugu dhoofin dalka Jarmalka baaris caafimaad.

Baarista caafimaad ee uu guddooomiye Jawaari u aaday Jarmalka ayaa ku soo aadaya xilli baarlamaanka uu ku jiro fasax labo bilood ah, taas oo xildhibaannada baarlamaanka fursad u siinaysa inay safarro dibadeed uga baxaan dalka.

Madaxweynaha Somalia ayaa todobaadyo ka hor baaris caafimaad u tagay dalka Jarmalka, wuxuuna sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay, isagoo xusay in intii uu xilka hayay uusan baaris noocan oo kale ah dibadda u soo aadin.

Si kastaba ha ahaatee, Jawaari oo 70-jir ah ayaa xilka guddoomiyaha loo doortay bishii Ogoosto ee sannadkii 2012-kii, xilligaasoo dalka uu ka baxay dowladihii KMG ahaa, waana markii ugu horreysay oo uu safar caafimaad ugu dhoofay dalka dibaddiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya