4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Sharma'arke oo Booqday Dhaawacyada ku jira Isbitaalka Digfeer (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa saaka booqday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan qaar ka mid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii 20-kii bishaan February ay Al-shabaab ku qaadeen Hotel Central.

Sharma’arke ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka Digfeer, isagoo u rajeeyay dadka dhaawaca qaba in Ilaahay uu siiyo caafimaad taam ah, isagoona mar kale tasi u diray qoysaskii ay ehelladoodu ku geeriyoodeen weerarradaas.

Mudane Cumar ayaa ugu mahadceliyey dowladda Turkiga sida ay ummadda Soomaaliyeed ugu hagar baxday una dhistay Isbitaal leh dhammaan qaybaha kala duwan ee adeegyada caafimaadka, wuxuuna xusay inuu ugu jiro qorshaha sidii labada maalmood ee soo socota loogu qaadi lahaa isbitaal dibadda ah dadka qaba dhaawacyada culus.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa saaka booqasho ugu yimid dadkii 20-kii bishaan ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotel Central, xaaladooda caafimaadna waa aad ayay u wanaagsanayd , inkastoo uu dhib soo gaaray, waxaan uga mahad-celinaynaa maamulka Isbitaalka Digfeer dadaalka ay geliyeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhaawacyada,” ayuu wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u sheegay saxaafada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya