4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
FARMAAJO: Dowladdu Waa inay ka Shaqeyso Sidii Siyaasadda loo dejin lahaa


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhacay Jimcihii lasoo dhaafay ayaa sheegay inay sabab u ahaayeen sirdoonka Soomaaliya oo aan kaalintii looga baahnaa kasoo bixin.

Farmaajo ayaa kula taliyay dowladda inay sameyso siyaasad deggen, taasoo uu sheegay in ay saldhig u noqon karto amaanka oo hagaaga, wuxuuna xusay in dowladda looga baahan yahay inay kasbato kalsoonida shacabkeeda oo uu ku sheegay inay yihiin gun-dhigga howl walba oo ay qabanayso.

“Runtii qaraxyadii Muqdisho ka dhacay waxay ahaayeen musiibo aad u weyn oo ay ka naxeen Soomaalidu meel walba oo ay joogaan, waxaana oran karaa waa mid ku timid habcsanaan dhinaca sirdoonka ah,” ayuu yiri Farmaajo.

Mudane Farmaajo oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa intaas ku daray in xukuumaddu ay dhowr jeer sheegtay inay sugayso amniga guud ee dalka, balse waxaa taas ka wanaagsan in ay xoogga saarto sidii lagu heli lahaa siyaasad deggen.

“Dowladdu dhowr jeer ay ku cel-celisay inay muhiimadda koowaad siinayso inay amniga sugayso, haddii aysan siyaasaddu deggenaynna amni deggen lama helayo; waxaanan oran lahaa waxay ahayd in dowladdu xoogga saarto sidii lagu heli lahaa siyaasad deggen iyo in ay kalsoonida shacabkeeda soo ceshato,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, ra’iisul waasarihii hore ee Soomaaliya wuxuu xusay in la ururiyo sirdoon aad u xooggan oo howlaha looga baahan yahay kasoo bixi kara… waxaa kaloo loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda ay ka dhexeyso wada-shaqeyn wanaagsan.

“Dadka dhagar-qabayaasha ah waa inay shacabku la socodsiiyaan dowladdooda si ay uga hor-tagto dhibaatooyinka ay geysanayso Al-shabaab… nabadsugidana waxaa looga baahan yahay inay la socdaan kooxahaas is-gaarsiintooda iyo dhaq-dhaqaaqooda si ay uga falka ay damacsan yihiin uga hortagto. Macnaheeduna waa in laga shaqeeyo sidii shacabka looga difaaci lahaa dhagartooda,” ayuu Farmaajo ku hadalkiisa ku daray.

Su’aal ahayd sidee loo joojin karaa qaraxyada dhacaya, isago ku jawaabay. “Waxaa lagu baajin karaa in shacabka la dareensiiyo kalsooni oo aysan shaki ka qabin dowladdooda… sidoo kalena dowladdu ay muujiso inay shacakeeda u adeegayso.”

Waxaa kaloo la weydiiyay Farmaajo in dhibaatooyinka dhacaya ay sal u yihiin isbedellada siyaasadeed ee dalka ka dhacaya iyo xukuumadaha la isku bedelayo, maadaama laba sano gudahood uu dalku marayo saddex xukuumadood? Wuxuuna kaga jawaabay su'aashaas.

“Xaqiiqdii haddii siyaasaddu aysan deggenayn sannad walbana lasoo dhisayo xukuumad cusub macnaheedu waxay tahay dowladdu xowligii laga doonayay inay ku socoto kuma socon karto... In xukuumad la dhisanaya howl sahlan ma ahan… waanan soo aragnay… dhismaha xukuumaddan saddex bilood ayay qaadatay, ridistii tii horena saddex bilood oo kale ayay iyaduna qaadatay… wasiirrada cusubna inay howsha la qabsadaan ayay u baahan yihiin… marka waxaan qabaa in waxa dhacaya ay xiriir la yeelan karaan siyaasadaha aan deggenayn ee dalka ka jira.”

Ugu dambeyn, Farmaajo wuxuu ku baaqay in loo baahan yahay in siyaasadda la dajiyo isla markaana laga shaqeeyo sugidda amniga, isagoo in badan ku cel-celiyay in dhibaatooyinka ay geysanayso Al-shabaab mar walba laga hor-tago.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya