4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Dab ka kacay Bakhaarro Shidaalka lagu Kaydiyo oo ku Yaalla Degmada Hodan


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Dab xooggan ayaa goor-dhow ka kacay Bakhaaro lagu kaydiyo shidaalka oo ku taalla xaafadda Black Sea ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Gaadiidka dab-damiska ayaa gaaray goob kuwaasoo la dagaalamaya dabka ka kacay bakhaarada shidaalka lagu kaydiyo, iyadoo sidoo kalena ay shacab badan oo goobtaas isugu tagay ay iyaguna dagaal kula jiraan dabka.

Sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan goobta, dabka ayaa ka kacay mid ka mid ah goobo shidaalka lagu kaydiyo, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn waxa rasmi ahaan shidaalkaas u kiciyay.

Fuustooyin shidaal ku jiro ayaa qaraxyo waaweyn sameynaya iyadoo laga baqdin qabo in dabkaas uu gaaro guiyo ay shacab daggan yihiin oo ku dhow halka uu dabku ka kacay.

Qiiq fara badan oo holac wata ayaa cirka isku shareeraya, iyadoo qii badan uu hareeyay xaafadaha kala duwan ee degmada Hodan, waxaan shacabku ay baqdin weyn ka muujinayaan dabkan.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo la sheegay inuu geystay dabkan illaa iyo hadda, waxaana goobta uu shidaalku ka kacay ay ahaayeen goobo shidaal fara badan uu ku keydsan yahay.

Si kastaba ha ahaateen ma ahan markii ugu horreysay oo goob shidaal lagu kaydiyo uu dab ka kaco, iyadoo sannadkii lasoo dhaafay uu dab sidan oo kale uga kacay goob shidaalka lagu kaydiyo oo ku taalla isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag.

Wixii kasoo krodha dabkan waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya