4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Dowladda Jabuuti oo Xirtay Sooh-dinta ay la Wadaagto Maamulka Somaliland


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay sababo dhanka ammaanka ah awgood u xirtay soohdinta ay la wadaagto Somaliland, kaddib markii ay Al-shabaab ku hanjabtay inay weerari doonto danaha reer galbeedka.

War kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in la xiray xuduudda Somaliland, kaddib markii ay ka war-heshay falal amni dari ah oo ku soo fool leh dalkeeda, waxayna sare u qaaday amniga gudaha dalkeeda.

Sirdoonka Jabuuti ayaa feejignaan dheeraad ah la geliyay, waxaana horay u jiray digniino kasoo baxay Mareykanka oo ahaa in weerarro argagixiso ay ka dhici karaan dalalka Geeska Afrika oo ay ciidammo ka joogaan Somalia.

Xukuumadda Jabuuti ayaa qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo kumannaan askari ay kaga sugan yihiin gudaha Somalia, kuwaasoo ka howlgala gobollada dhexe sida gobolka Hiiraan.

Bishii May ee snanadkii 2014 ayaa labo ruux oo Soomaali ah lana sheegay in ay ahaayeen wiil iyo gabar is-qaba ayaa waxay weerarro ismiidaamin ahaa ka geysteen baar ku yaalla Jabuuti, kaasoo ay u badnaayeen dad kasoo jeeda dalalka reer galbeedka.

Si kastaba ha ahaatee, Al-habaab ayaa horay u sheegtay inay beegsanayso dalalka Somalia ka joogaan ciidamada, waxaa kaloo ay kooxdu maalin ka hor soo saartay digniin ku aaddan inay weerarayso danaha reer galbeedka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya