4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Shirkadda African Express oo War kasoo saartay Shirkado Magacooda Qaatay


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Shirkadda African Express Airways oo ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya ayaa waxay war kasoo saartay midow ay dhaawaan ku dhawaaqeen shirkadaha duulimaadyada Daallo iyo Jubba oo ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka howlgala.

Shirkaddu waxay sheegtay in toddobaadkii hore la shaaciyey in shirkadaha Daallo Airlines & Jubba Airways ay si rasmi ah u midoobeen, isla markaana ay isku noqdeen shirkad keli ah; iyagoo qaatay magaca African Airways Alliance.

War-saxaafadeedka shirkadda African Express ayaa lagu sheegay in shir ay isugu yimid madaxda shirkadda African Express; gaba-gabadii laga soo saaray war-saxaafadeed ka dhan shirkadaha Jubba & Daallo ee qaatay magaca African Airways, iyadoo maamulka shirkadda dayuuradaha Arica Airways ay ku tilmaameen arrin xagudub ku ah ganacsiga xorta ah ee caalamka in magacii shirkadooda (African Airways) la qaato; waxaana masúul u hadlay shirkadaasi uu sheegay in shirkadaha kale ay la gudboon tahay in ay xaqdhowraan xuquuqda lahaanshiyaha magaca shirkada.

“African Express Airways waxay ugu baaqeysaa macaamiisheeda in duulimaadkeedii Imaaraadka Carabta ay billaabeyso 1-da bisha April,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay soo saareen African Express  Airways, waxaanna sidoo kale lagu sheegay in shirkaddu ay muddo muddo ku dhow 20 sannadood ku jirtay howlaha duulimaadyada, ayna isaga kala goosheysay Geeska Afrika iyo dalalka carabta; sannadihii ugu dambeeyeyna ay yeelatay macaamiishii ugu badneyd markii ay kordhiyeen duulimaadyadeeda dalalka Geeska Afrika & Carabta.

War-saxaafadeedka shirkada African Express Airways waxaa kaloo lagu sheegay in loogu baaqayo shirkadaha qaatay magacooda in sida ugu dhaqsiyaha badan inay raaligelin uga bixiyaan, kana laabtaan talaabadaas ay qaadeen.

“Magaca Express Airways, African Express & African Airways Limit gabi ahaantood waa magacyada ay kusoo howlgashay shirkadeena, waxaan soo dhoweyneynaa suuqa tartanka ganacsiga, waxaanse ka soo horjeednaa in magacii ay shirkaddu muddo 20 sanno ah ku soo caana-maashay in si aan sharci aheyn loo istcimaalo. Garyaqaanada shirkadaha waxey geed gaaban iyo geed dheer u kori doonaan sidii qolo kasta oo isku dayda in ay si sharci darro ah ku isticmaasho magaca shirkadaha Afrikan Express airways ay sharciga ula tiigsan lahaayeen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya