4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
Beel Soomaaliyeed oo Muqidsho ku doortay hoggaan dhaqameed (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Kulan ay isku yimaadeen wax-garadka beesha Reer Isaaq – Ogaden oo ka dhacay Hotel Wardheer ee Muqdisho ayaa waxay ku doorteen gole dhaqameed kaasoo ka kaooban 7-xubnood, waxaana ku guuleystay hogaaminta golahan, Sheekh Saxardiid Axmed Nuur Maxamuud.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay xildhibaanno, siyaasiyiin, culumaa’udiin, aqoonyahanno, haween iyo dhallinyaro, iyadoo la sheegay in golahan uu ka howlgeli doono Muqdisho.

Ujeeddada loo doortay golahan ayuu sheegay Sheekh Saxardiid Axmed Nuur Maxamuud inuu isku xiro xubnaha beesha ee ku nool Muqdisho iyo in la helo maamul dhaqameed ka shaqeeya hirgalinta midnimada beesha meel kastoo ay dunida ka joogto.

Dadkii madasha ka hadlay waxay isku raaceen in qiimo weyn ay leedahay in qiimaha ay leedahay in wanaagga la isu kaashado loona midoobo, waxayna ku booriyeen bulshadooda inay meel iska dhigaan wax walba oo diinteenna Islaamka, dhaqanka suuban iyo maslaxadda ummadda Soomaaliyeed ka hor-imaanaya.

Sidoo kale, waxay ku booriyeen dhalinyaradooda inay wax-bartaan, muruqooda maalaan, kana shaqeeyaan wixii dan u ah ummadda Soomaaliyeed oo dhan iyo waliba dhawridda midnimada.

Ugu dambeyn, waxaa goobta laga akhriyay magacyada xubnaha caanka ah ee beesha kasoo jeeda, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Makhtal Daahir, Cumar Macallin Hilowe, Col, Axmed Cumar Jees. Jen. C/raxmaan Khaliif Dhicis, Jen. Siyaad Daa’uud iyo kuwo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya