4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 23, 2015
XASAN SHIIKH: Ha la isku diyaariyo dhismaha Maamulka Sh/dhexe & Hiiraan


Isniin, Feberaayo 23, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo sidii looga qayb-qaadan lahaa maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo si aad ah looga hadlayay xilliyadii dambe.

Xasan Sheekh oo shalay la hadlayay shacabka Beledweyne, xilli isaga iyo madaxweynaha Jabuuti ay booqdeen ayaa ugu baaqay shacabka Hiiraan in ay u diyaar garoobaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen hirgelinta habka Federaalka ee haatan ka socda dalka.

“Waxaa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo dhismaha maamul loo dhan yahay iyo inaan diyaar u noqono hirgelinta maamulka federaalka, waxaa soo socda dhismihii maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu intaas ku daray in dhismaha maamullada gobollada ay ka qayb ka qaadanayso horumarinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa inaad la-tashiyo la yeelataan dadka ay taladu idin kala dhexeyso si loo helo maamul ka qayb-qaata nidaamka federaalka ah, talo ayaad ku leedihiin dhismaha maamul goboleedyada, dhismaha maamul u sameynta gobollada dhimanna meel fiican ayay marayaan ee u istaaga sidii aad u badin laheedeen tallooyinka ku aaddan dhismaha maamul ay labada gobol yeeshaan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Inkastoo aan wali la shaacin xilliga uu qabsoomi doono shirweynaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa haddana waxaa bilihii lasoo dhaafay si xowli ah u socday wada-tashiyada iyo kulammo laga lahaa maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo lagu wado in bisha Maarso billowgeeda uu furmo shirweynaha lagu dhisayo maamul ay yeeshaan gobollada dhexe ee Soomaaliya oo daris ah gobolka Hiiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya