4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
WASIIRKA AMNIGA: Haweeneydii fulisay Qarxii Hotel Central waxay dhashay lix Carruur ah


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Wasiirka Amniga Gudaha xukuumadda Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa markii ugu horreysay sheegay in ruux haweeney ah ay ka mid ahayd labadii qof ee fuliyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Jimcihii lasoo dhaafay lala beegsaday Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Mudane C /risaaq Cumar ayaa wareysi uu VOA-da siiyay ku sheegay inay ka mid ahayd haweeneydu shaqaalaha Hoteelka Central ayna is-qarxisay markii uu dhacay qaraxii hore oo uu fuliyay qof rag ah, isagoo intaas ku daray inay ahayd hooyo dhashay lix carruur ah.

“Qaraxyadan waxay dhaliyeen khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, waxayna ku dhaceen habacsanaanta dhanka ilaaladii hoteelka ah. Gabadha is-qarxisayna qaybta soo dhaweynta hoteelka ayay ka shaqeynaysay wayna is-qarxisay,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha xukuumadda Somalia.

Sidoo kale, wasiirka Amniga ayaa sheegay in weerarkan loo xiray laba mas’uul oo ka mid ah mas’uuliyiinta hoteelka iyo 13 ilaaladii hoteelka ka mid ah, waxaana dhammaantoo wax laga weydiinayaa qaraxyada, si loo ogaado sidii qaraxyadu ku dhaceen.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in markii ay eegeen ilaaladii hoteelka u diinwan-gashanaa ay ilaaladii waqtigii qaraxyadu dhacayeen hoteelka ku sugnaa ay ahaayeen kuwo aan ku jirin diiwaanka ilaalada hoteelka.

“Dhimashadu waxay u dhexeysaa 25 illaa 28 qof, dhaawacyaduna waa 54-qof oo intooda badan dhaawacyadoodu fudud yihiin, shan ka mid ah dhaawacyada ayaa u baahan daweyn dheeraad ah,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Mar wasiirka la weydiiyay in haweeneyda ay ka timid mid ka mid ah dalalka Yurub ayuu ku gaabsaday in xogta ay hayaan ay sheegayso inay ka timid mid ka mid ah dalalka Yurub, balse uusan doonayn inuu carrabka ku dhufto, sababo la xiriira baaritaannada arrintan oo weli socda.

“Haweeneydan waxaan maqalnay inay Yurub ka timid, ninkeediina uu Xamar ku dhintay, sababo uu u dhintayse aysan ogeyn, waxayna lahayd lix carruur ah oo labo-labo mataano u ahaa. Weligeed hoteelka ma seexan, balse waxay seexatay markii ugu horeysay maalintii qaraxyadu dhacayeen habeenkeedii,” ayuu yiri C/risaaq Cumar.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay inay xog ku heleen in laba casho ka hor maalintii uu qaraxu dhacay ay lixdii carruurta ahaa ay hooyadeed u dirtay, balse aysan garanayn meesha ay hooyadu deggen tahay.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay inuu jiro qof sadexaad oo weerarradan ku lug lahaa, ayuu ku jawaabay wasiirku inaysan taas ogeyn, balse ay og yihiin oo keliya in labadaan ruux ee qaraxyada sameeyay ay ahaayeen dadkii fuliyay weerarradan.

Wasiirka ayaa gunaanadkii hadalkiisa ku sheegay in cid walba oo labadaan ruux gacan ku siisay falkaanna ay baaritaannadu caddeyn doonaan, sidoo kalena wuxuu sheegay in xitaa dadkii ay xiriirka la lahayd gabadha ay gacanta ku hayaan oo ay baaris ku socoto, markii baaristu dhamaantana ay warbixin waafi ah bixin doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya