4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
SOMALILAND oo Musaafurisay Saddex Qof oo Dhakhtarnimo ku Shaqeynayay

Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) —Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay mustaafuriyey dad sheeganayey inay dhakhtar yihiin oo ka gudaha Somaliland ka shaqey-nayay, gaar ahaan magaalooyinka xuduudaha ah.

Guddiga mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland ayaa baaritaan dheer oo ay ku sameeyey dhakhaatiirta Somaliland ka shaqaysta, isla markaana Diiwaangelin ku sameeyey dadka u qalma inay dhakhtarnimo ku shaqaystaan iyo kuwo aan aqoon u lahayn mihnadda caafimaadka ayaa sheegay in saddexdan qof oo ka soo jeedda dalka Kenya ay dadka ka u sheegteen dhakhaatiir, kuwaas oo iyaga iyo qalabkooddii la qabtay.

Saddexdan qof ayaa iskugu jira laba nin iyo haweenay meelo kala duwan oo dalka ah ka hawl-galayey, gaar ahaan deegaannada ka baxsan magaalooyinka waaweyn, iyaga oo sita Qalab Computerro ku jiraan, ayaa dadka ay baadhitannada ku sameeyaan siinayey Daawo-dhaqameed (Herbal).

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, Gaashaanle Maxamed Cali Yuusuf iyo Madaxa Guddiga Heer Qaran ee Micnadleyaasha Caafimaadka dalka Dr Axmed Xaashi Oday  ayaa sheegay inay saddexdan qof u mustaafurinayaan dalkoodda.

“Waxaanu halkan ku haynaa saddex qof oo ku shaqaysta mihnad aanay lahayn oo ah caafimaadka dadkana siiyey daawooyin ah Herbal (Dawo dhaqameed) oo yidhaahda wax walba waa ka dawo, dadkaas oo ka yimid dalka Kenya, kana shaqaysanayey Xamar ilaa Halkan goobo badanna tagay, siday dalka ku soo galeenna ay tahay caafimaadka,” ayuu yidhi taliyaha laanta socdaalka Maxamed Cali Yuusuf.

“Baaritaan fara badan markii ay sameeyeen guddiga mihnadleyaasha Caafimaadku waxay noo keeneen dad ku shaqaysanaya mihnad aanay lahayn, kuwaas oo kala ah gabadh Jiny la yidhaahdo, Samuel iyo Zakariyu, waxay ka furteen Hargeysa, Wajaale, Lawyacaddo.”ayuu raaciyey haddalkiisa.

“Waa saddexdii u horreeyey, waxay sitaan qalab kombuyuutarro ah oo ay ku jiraan jidhka bani’aadamka oo dhan, waxaana la ogyahay in kompuyuutarku aanu barnaamijka samayn ee lagu shubo. waxa laga soo qabtay Lughaya, Agabar iyo Hargeysa. Magaalooyinka waaweyn waxay uga tagayaan waa laydin arki, markaa dadka caamada ah ayay u tagayaan oo ay leeyihin waanu idin dawaynaynaa,” ayuu yidhi guddoomiyaha guddiga caafimaadka Somaliland Xaashi Oday.

Si kastaba ha ahaatee, guddida mihnadleyaasha caafimaadka ayaa bilaabay diiwaangelinta dhakhaatiirta dalka jooga iyo kuwo Ajanabiga ah ee dalka ka shaqaysta, kuwaas oo siiyey aqoonsiga ay ku shaqaysan karaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland