4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka Hadlay Weerarradii ka dhacay Muqdisho


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada London ee dalka Britain ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Hotel Central ee Magaalada Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay, isagoo tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday weerarradaas oo Kooxda Al-shabaab ay sheegatay mas'uuliyadooda, kuwii dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad.

Sheekh Shariif oo la weydiiyay su’aal ahayd xilligii uu madaxwyenaha ahaa iyo hadda in ay dalka ka dhacayaan qaraxyo isku eg, halka ay wax ka qaldan yihiin ayaa ku jawaabay.

“Anigu xog-ogolaal kama ihi sida ay wax u dhaceen, balse waxaan leeyahay Al-shabaab waa rag ay ka go’an tahay inay wax burburiyaan waxna dilaan… waxayna u baahan tahay in la helo aragti mideysan oo shacabka iyo dhanka dowladda ah iyo hay’adaha amniga oo si xooggan uga sheegayaan inay ka difaacaan shacabka dhagarta nimankaas.

Waxaa kaloo la weydiiyay Sheekh Shariif su’aal kale oo ahayd in dowladda hadda jirta uusan dadaal u yarayn mar walbana wax dhacayaan, xilli laga saaray magaalooyinkii waaweynaa ee gobollada laga saaray, marka sidee u aragtaa arrintaas, wuxuuna mar kale ku jawaabay.

“Markii laga adkaado nimankan waxay u kala burburaan kooxo-kooxo yar-yar oo beegsada dadka madaxda ah iyo meelaha dadku ku badan yihiin; marka hay’adaha amnigu waa inay la socdaan. Waxyaabahan oo kale way dhaceen wayna dhacayaan, waase in wax laga kororsado oo aysan dib u soo laaban. Mararka qaar waxaa laga yabaa inay muddo iska daayaan inay falal geystaan, balse ay mar kale dib u soo celiyaan… marka waxaan oran lahaa waa musiibo na dhex-joogta oo u baahan in lawada wajaho.”

Su’aal ahayd inuu hayo fikir kale oo uu ku kordhinayo dowladda Soomaaliya oo ah sidii falalkaan looga hortegi lahaa ayuu kaga jawaabay. “Anigu hadda ma doonayo inaan farriin mariyo warbaahinta; balse wixii karaankeyga ah diyaar ayaan u ahay, maadaama arrintan ay tahay amni meelaha in la mariyo ay ku habboon tahay ayaa la marin doonaa… mana doonayo inaan arrintan ku sii fogaado.”

Ugu dambeyn, madaxweynihii hore ee Somalia ayaa la weydiiyay su’aal ah; maadaama laba sano ka hor aad kasoo tagtay Villa Somalia muddana aan la maqlin hadalkaaga hadda maxaad qabataa? ayuu kaga jawaabay. “Hadda wax baan bartaa.” Mar kale ayaad is-diyaarinaysaa ayaa la weydiiyay mar kale wuxuuna ku jawaabay. “Waxbarashadu mar walba ayay qofka muhiim u tahay.”

Mas'uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxyadan ayaa waxaa ku jira xildhibaan Cabdulqaadir Cali Cumar oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha xilligii dowladda Sheekh Shariif ahaana ruux ay si weyn isugu dhow yihiin Sheekh Shariif, waxaa kaloo ku dhaawacmay RW ku xigeenka xukuumadda Somalia, Maxamed Cumar Carte oo loo duuliyay dalka Turkiga.

Weerarkan oo ay sheegatay Al-shabaab ayay haya'dda nabadsugidda iyo sirdoonka DFS waxay sheegtay inay fuliyeen laba qof oo wiil iyo gabar ahaa, kuwaasoo ka yimid dalka Netherlands haystayna dhalashada waddankaas.

Si kastaba ha ahaatee, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo lagaga guuleystay doorashadii madaxnimo ee Soomaaliya dhammaadkii sannadkii 2012 ayaa tan iyo xiligaas ku jiray waxbarasho, wuxuuna hadda ku sugan yahay Britain, isagoo wax ka barta Jaamacadda Oxford ee magaalada London.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya