4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
CADAMI: Waa War aanay Waxba ka jirin inuu Dagaal ka dhacay Gobolka Sool


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in aanay ciidanka Militariga Somaliand wax dagaal ah la galin  dadka deegaanka iyo maamulka khaatumotoonna.

Wasiirka waxa uu sheegay in deegaanadda gobolka Sool wax dagaal ahi ka dhicin, hase yeeshee ay jireen in koox dabley ahi ciidan jidgooyo u galeen, kuwaas oo markiiba yaacay, ciidamaduna amar ku haysan inay dagaal la galaan cid kasta oo ka hortimaada, maadaama oo odayaal reer Buuhoodle ahi sidii nabad deegaanka looga dhalin lahaa ay Hargeysa u joogaan.

“Waxba kama jiraan  inuu dagaal deegaankaas (Sool) ka  dhacay,  wax qarsoomaana ma jiraan, beel dagaal lagu qaaday iskadaa maalmo haddii uu saacado socdo waa la ogyahay caalamka aynu hada joognaana waa caalamkii isgaadhsiintu horumartay, hawada laga sawirayaa iyo dhulka laga qabayaaba wax qarsoomayaa ma jiraan.”ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga oo wax laga waydiiyey dagaal la sheegay inuu dhowaan gobolka Sool ku dhex maray Khaatumo.

Waxaanu intaas ku daray“Dhaq dhaqaaq ciidana waxa ugu danbaysay mudo hada laga joogo shan cisho, maalintaasna ciidanka waxa ay u  dhaqaaqeen meel kale oo ay joogeen ciidan Somaliland ahi  dhulka ay marayeena waa dhul Somaliland ah markii ay ku sii socdeena waxay la kulmeen jid gooyo niman khaatumo ka tirsan ayaa xabado ku riday iyaguna way u jawaabeen, arintaas wax ka danbeeyey oo dhacdayna ma jirin ciidankiina meeshii uu ku socday ayuu tagay, iyagiina muu daba galin oo amar umuu haysan.”

Sidoo kale wasiirka Gaashaandhigu waxa uu sheegay  in hada laga wada hadlayo nabad galyada sidaas darteedna ciidanku aanay amar ku qabin wax dagaal ah waxaanu yidhi “Maadama oo madax dhaqameedkii Buuhoodle joogaan magaalada Hargeysa oo nabad galyada iyo nabad ku wada noolaanshaha laga wada hadlayo amar ciidanku kumay haysan in cagta cagta laysku saaro oo dabadeedna ciidamo is eryadaan fool xumo ayaanay ahaan lahayd madax dhaqameedka joogana sida ay tahay ayaanu uga waranay.”.

Si kastaba ha ahaatee, maamaaulka Khaatumo ayaa sheegay inuu dhowaan dagaal maalmo qaatay la galeen ciidanka Somaliland, isla markaana dagaalkaasi uu keenay khasaare nafeed.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland