4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
DAAWO: Sawirro laga soo Qaaday Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Degmad Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee Koonfurta Somalia ayaa waxaa ka talisa Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidanka DFS iyo ciidamada ay gacanta ka helaan ee AMISOM oo ka socda ururka Midowga Afrika

Gobolka Jubbada Dhexe ayaa ah gobolka keliya ee ka mid ah gobollada Somalia oo ay sida guud uga taliso gabi ahaantiis Al-shabaab, iyadoo gobolkan ay ka jirto xiligan deggenaasho dhinaca nabadda ah.

Sidoo kale, degmada Jilib ayaa waxaa lagu arkayaa calaadamadaha ay caanka ku tahay Al-shabaab oo ay ka mid yihiin calanka Madow iyo qoraallo Carabi ah oo meelaha qaarkood ku qoran oo shacabka lagu farayo waxyaabo kala duwan.

Ugu dambeyn, magaalada Jilib ayaa waxaa ka jira ganacsi ballaaran oo ay ku jiraan qaar ka mid ah ganacsiyada waaweyn iyo kuwo yar-yar, waxayna dadka ku nool Jilib ay sheegeen inay dareemayaan nabad, iyadoo qaarkood ay sheegeen in nabada jirta ay tahay mid ay ku diirsadeen.











Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya