4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
Howlgalo lagu Sugayo Amniga Maalintii labaad ka socda Magaalada Kismaayo
Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Ciidanka nabadsugidda iyo kuwa booliska Jubbaland oo iskaashanaya ayaa xaafadaha kala duwan ee magaaladaa Kismaayo ka wada howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Howlgalladan ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan shanta xaafadood ee ay ka koobantahay magaalada Kismaayo, iyadoo ciidamadu ay baarayaan dadka iyo gaadiidka.

Sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugidda oo ka gaabsaday in aan magaciisa xiganno ayaa HOL u sheegay in howlgalladani yihiin kuwo la doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka isalarmakaana ay baadigoob ugu jiraan dad uu sheegay in ay qatar ku yihiin ammaanka.

Isgoysyada waaweyn ee magaalada iyo suuqyada ayaa lagu arkayaa dad safaf dhaadheer la geliyay kuwaasoo lagu sameeynayo baaritaanno, mana jiraan ilaa hadda masuuliyiin ka tirsan ciidamada Booliska iyo nabadsugidda oo ka warbixiyay dadka ay kusoo qabqabteen howlgalladaasi.

Inkastoo ay howlgalladu ka soconayaan inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo, hadana wax saameyn ah kuma yeelan isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga intaba.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya