4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
FAAHFAAHIN: Safarkii Xasan & Geelle ay ku Tageen Baladweyne (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Safar taariikhi ayaa waxaa maanta ku tagay degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wafdi ballaaran oo ay wadda jir u hogaaminayeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti , Xasan Sh. Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafdiga labada madaxweyne oo salaan shafar ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxaa ka mid ahaa dhinaca Somalia, wasiirka arrimaha dibada, Maxamed Cumar Hadliye, wasiirka amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Max'ed Xuseen, wasiirka gaashaandhigga, Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini, wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Somalia, Maxamed C/llaahi Xuseen (Nuux) taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia, Jen Daahir Aadan Cilmi Idha-qarshe iyo mas’uuliyiin kale.

Dhinaca wafdiga Jabuuti waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka Diinta iyo Dhaqanka, Aadan Xasan Aadan, safiirka Jabuuti ee Somalia, Dayib Dubad Rooblle iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga oo loosoo galbiyay taliska ciidanka AMISOM ee duleedka Waqooyi ee degmada Beledweyne ayaa waxay halkaas kula hadllen mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo odayaasha dhaqaanka.

Ugu horreyn guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdfitaax Xasan Afrax oo hadal jeediyay ayaa sheegay in dad kareer Hiiraan farax u tahay booqashada madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ay maanta ku soo gaareen magaalada Beledweyne, taa oo muujineysa sidda uu hadalka u dhigay nabad-galyada buuxda ee waqtigan ka jirta guud ahaan gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa ugu horeyn bogaadiyay shaqada wanaagsan oo ay gobolka ka hayaan maamulka iyo ciidammada oo iskaashanaya, gaar ahaan marka la eego sugida ammniga iyo hormarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadllay colaada gobolka Hiiraan ayaa yiri. “Dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan waa dad nabada jecel, hasse ahaatee rabitaanka iyo go’aan qaadashada waa ay kala duwan tahay, waxaan leeyahay siddii loo baahnaa looguma guntan joojinta colaada ka jirta qeybo ka mid ah gobolka, waxaa codsanayaa mar koowaad… iyo mar labaad intaba in colaadaas la soo afjaro laguna badallo nabad.”

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha federaalka ama is maamul gobolleedka ayuu sheegay in Soomaaliya maanta u guurtay nidaamka federaal, maamullada qaarna durbaba dhismeen, halka kuwa kalana lagu howlan yahay sidii ay u dhismi lahaayeen.

“Waxaan leeyahay reer Hiiraan ayaahahooda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka iyaga ayeey u taallaa, cidda ay wax ku darsanayaan iyaga ayaa go’aan ka gaaraya, laakiin waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo ma jiro gobol iskii isku tagi kara, gobollada waa in ay labo iyo wixii ka badan isku raacaa ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle khudbad dhinacyo badan taabaneysay jeediyay ayaa sheegay in marka laga soo tago booqashadiisa Beledweyne uu si dhaw ula socday mar walba howlaha ka socda gobolka.

Hasse ahaatee waxaa uu sheegay in ay aad u dhibtay sidda uu hadalka u dhigay wararka ku saabsan dagaallada gobolka marar badan isaga soo daba-noqday, isaga oo ka dalbaday maamulka gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka in colaada loo dhameeyo.

“Waxaan ballan-qaadayaa haddii ay odayaasha dhaqanka go’aan ka gaaraan colaadaha deegaannada Deefoow iyo Kabxanley soona afjaraan, in aan bixin doono dhaqaallaha ku baxaya  wixii hanti ahaa ee ku burburtay dagaallada,” ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Dhinaca ciidanka Jabuuti mar uu ka hadlayay ayuu sheegay in ay soo dhameystirmayaan qeybta labaad ciidammada Jabuuti ee AMISOM, kuwaas oo gacan ka geysan doona ayuu yiri dhameystirka howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Al-shabaab wax dan ah uma hayaan dadka Soomaaliyeed, wax naxariis ah uma hayaan, siddaa daraaded waa in meel looga soo wadda jeestaa siddii dalka looga saari lahaa,” ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti.

Booqashada madaxweynaha dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa noqoneysa tii ugu horeysay, marka laga soo tago madaxweyne Xassan Sheekh oo dhowr jeer oo hore safar ku yimid  magaalada Beledwyene.

Sugidda ammnga madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa wadajir isaga kaashaday ciidammada dowladda  iyo kuwa AMISOM, iyagoo dib ugu laabtay caasimada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, HIiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya