4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2015
Gudiga qabyo-tirka dastuurka oo sheegay in dastuurka lagu qorayo Af Somali

Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Guddiga dib u eegaya dastuurka qabyada ah ee dalka Somalia ayaa sheegay inay xoogga saari doonaan horumarinta afka Soomaaliga inta ay ku gudo-jiraan dib u eegista dastuurka, ayna dastuurka kusoo saarayaan afka Hooyo.

Caasho Geelle Diiriye oo ah guddoomiyaha guddiga dib u eegaya dastuurka Soomaaliya ee qabyada ah ayaa sheegtay inay xoogga saraayaan sidii ay u horumarin lahaayeen afkeenna Soomaaliga.

“Waxaa naga go’an inaan xoogga saarno inta aan ku jirno dib u eegista aan ku sameynayno dastuurka dalka afka Hooyo ee Soomaaliga, kaaso ah afka aan ku hadalno,” ayay Caasho Geelle ku sheegay hadalkeeda.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddigan ayaa xaflad lagu xusayay afka Hooyo ka sheegtay in dastuurka Soomaaliya ay kusoo saari doonaan afka Soomaaliga oo aysan luuqado kale ku soo saari doonin.

“Anigoo ku hadlaya magaca guddiga; waxaan ummadda Soomaaliyeed u ballan-qaadayaa in inta aan ku jirno dib u eegista dastuurka aan xoogga ku saari doono horumarinta Afka Hooyo, isla markaana dastuurka aan kusoo saari doono afkeenna, si aan u horumarino Afka Soomaaliga,” ayay mar kale tiri Caasho Geelle.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu isaguna ilaalin doono Af-Soomaaliga marka uu jeedinayo khudbadaha iyo marka uu warbaahinta la hadlayo.

“Waxaan anigu ka mid ahay dadka barxa Af Soomaaliga, hadda kaddibse waan iska ilaalin doonaa, waxaana iga go’an inaan afka Soomaaliga oo aan barxanayn aan ku jeediyo khud-badaha kulana hadlo warbaahinta,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo shalay lagu qabtay Muqdisho xuska maalinta caalamiga ah ee afka Hooyo, taasoo ay kasoo qaybgaleen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wufuud ka socota deegaannada looga hadlo Afka Soomaaliga.

Ugu dambeyn, Muqdisho ayaa shalay la dhagax-dhigay akadeemiyo goboleedka Afkeenna Soomaaliga horumarin doonta, taasoo xarunteedu noqon doono wixii hadda ka dambeeya magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya