4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
UNHCR oo sheegtay in kumanaan Qoxooti ah ay dib ugu laabteen Soomaaliya


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Hay'adda Qaxootiga Dunid ee UNCHR ayaa sheegay in maanta oo Axad ah in illaa iyo hadda dib loogu celiyay Somalia 1,473-qof oo ka mid ah qoxootigii Soomaaliyeed ee Kenya ku noolaa, dib u laabashadan oo billaabatay sannadkii la soo dhaafay ee 2014-ka.

UNHCR ayaa sheegay inay 199-qof oo ka mid ahaa qoxootigii Soomaaliyeed ee Kenya ku noolaa ay 07-dii - 10-kii bishii Feberaayo ay dib ugu laabteen Somalia, taasoo ka dhigaysa 80% qoxootigii Soomaaliyeed ee Kenya soo gaaray wixii ka dambeeyay sannadkii 2010-kii ee dib ugu laabtay Somalia.

Kooxda ugu horreeysay ee qaxootiga ee Soomaaliya dib ugu laabta ayaa ka baxay xeryaha Dhadhaab 08-dii December, 2014, markii mashruuc tijaabo ah oo qoxootiga dib loogu celinayo laga bilaabay Kenya.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in xeryaha Dhadhaab-Kenya ay weli ku jiraan boqolaal kun oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwasoo qaarkood Kenya yimid 24-sano ka hor.

Hay’adda UNHCR waxay sidoo kale xustay in hay’addu 13-kolonyo oo gadiid ah ay ka tageen Kenya tan iyo mashruucan la billaabay, kuwaasoo dib loogu celiyay magaalooyin ay ka mid yihiin Baydhabo iyo Kismaayo oo Koonfurta Somalia ku yaalla.

Dhanka kale, hay’adda UNCHR ayaa laga soo xigtay in shaqaalaheeda iyo kuwa ay wada-shaqeyntu ka dhexeyso ay indho-indheyn kusoo sameeyeen Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ammaanka.

Kenya ayaa marti-gelisay in ka badan 600,000 oo Qaxooti ah, kuwaasoo ka soo cararay dalalka ay colaaduhu ka jiraan ee Bariga Afrika iyo dalalka ku yaalla gobolka Harooyinka waaweyn.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool ayaa lagu qiyaasay 500,000 oo qof kuwaasoo ka cararay colaadihii Soomaaliya ka curtay sannadkii 1991-kii iyo abaaraha Soomaaliya kusoo laalaabtay.

Hannaanka dib u celinta qoxootiga Soomaaliya ayaa ku timid heshiis ay kala saxiixdeen dalalka Kenya, Soomaaliya iyo hay’adda UNHCR sannadkii 2013-kii, waxaana heshiiska ka mid ah inaan lagu qasbin qoxootiga in dalkooda dib loogu celiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya