4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
Maxkamadda Puntland oo dil ku xukuntay Askari horay u dilay Qof shacab ah

Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukun isugu jira dil iyo xarig muddo dheer ah ku ridday askari ka tirsanaa laanta  canshuur qaadista ee gobolka Bari  iyo ruux kale oo  la sheegay in uu la shaqaynayay ururka Al-shabaab.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda danbiyada culus ee Puntland C/kariin Xasan Firdhiye ayaa sheegay in askariga la xukumay uu qof shacab ah horey ugu dilay degmada Boosaaso ee gobolka Bari.

Waxaa kaloo uu sheegay in ruux kale oo Al-shabaab-nimo loo haystay isna lagu xukumay xarig dhan15-sano ,isaga oo tilmaamay in kiisaskan si taxadar leh ay u baartay maxkamada ciidmada Puntland qaybteed gobolka Bari.

“Maxkamaddu waxey dil toogasho ku ridday xukumane Cali Axmed Cali ,ka dib markii uu si bareer ah u dilay dhibane Jaamac Cabdulqaadir Faarax,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Xeer-ilaaliye Fardhiye sheegay in lasii daayay tiro dhallinyaro ah oo ay horay ciidammada amnigu ay u soo qabteen, isla markaana  looga shakiyay in ay la shaqeynayeen ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira Puntland.

Ugu danbayn ,maxkamadda ayaa u ogolaatay Maxamuud Aadan Ducaale oo Al-shabaab-nimo loo xukumay in uu racfaan ka qaadan karo xukunkan muddo 30-cisho ah ,xilli maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan dil loogu fuliyay rag Al-shabaab-nimo loo haystay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]