4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 22, 2015
ILKO-XANAF: Qaraxyada waxay ku dhacaan Habacsanaan Dhanka Amniga ah


Axad, Feberaayo 22, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somalia, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa sheegay in weerarradii ka dhacay Hoteelka Central ee magaalada Muqdisho ay ku yimaadeen sababao la xiriirta habacsanaanta laamaha amniga iyo hay’adaha sirdoonka dowladda Somalia.

Avv. Ilko-xanaf ayaa tilmaamay inay liitaan xogta ay dowladda Soomaaliya ay ka hesho weerarrada soo wajahan iyo baaritaannada ay ku samayso falalka ka dhaca Muqdisho looga hortagayo.

“Waxay ila tahay in weerarkaas uu ahaa mid ku yimid habacsanaan ka jirta dhinaca amniga dowladda Somalia iyo kuwa sirdoonka, oo aan u muuqan inay heli karaan xogta ku saabsan weerarrada ay soo qaadayso Xarakada Al-shabaab,” ayuu ku sheegay Ilko-xanaf hadal uu warbaahinta siiyay.

Sidoo kale, Avv. Ilko-xanaf ayaa labada arrimood ee uu dhaliilay ciidammada amniga iyo kuwa sirdoonka dalka ku sheegay tiirarka ugu muhiimsan ee lagu sugi karo nabadgalyada, wuxuuna soo jeediyay in la adkeeyo hay’adahan.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa booqday dhaawacyadii ka dhashay weerarradii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa waxaa sheegtay mas’uuliyaddiisa Xarakada Al-shbaaab ee Somalia oo sheegay inay ku dileen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, iyadoo la sheegay in weerarkaas ay fuliyeen laba ruux oo Soomaali ah kana yimid dalka Holland.

Si kastaba ha ahaatee, Muqdisho ayaa waxaa kusoo laalaabta weerarro qorshaysan oo geysta qasaare nafeed iyo mid hantiyeed, iyadoo ay weerarkaas ku geeriyoodeen laba xildhibaan iyo mas’uul maamulka gobolka Banaadir ka tirsanaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya